Shir uu qabtay
Mashruuca u dir Lacag Wadankii oo lagu qabtay aqalka looga
taliyo dalka Ingiriiska oo Soomaali lagu casumay.
(London, March 20,
2008 Ceegaag Online)
Shirkaan oo
lagu qabtay halka looga taliyo dalka Ingiriiska ee House of
commons ayaa waxaa lagu casumay dadka aqoonta leh ee
Soomaalida,sida suxufiyinta, wakiilada xawaaladaha,madax
ururada ka howl gala dalka Ingiriika iyo qabo ka mid ah
ardayda Jaamacadaha.
Furintaankii
shirka ayaa waxaa furay oo ka hadlay Emmanuel Addy oo ah
agaasimaha dhinaca gacnacsiga ee mashruuca U dir lacag
wadankii isagoo aad uga war bixiyey mashruucooda iyo sida ay
u damacsan yihiin inay Soomaaliya wax uga qabtaan.
Addy ayaa
sheegay in hawlgalkoodu keliya uusan ku koobnayn Soomaaliya
oo keliya balse ay ka hawl galaan Dalka Pakistan haddana
qorsha ay ugu jirto guud ahaan dalalka Bariga Africa oo
dhan,waxaana ku soo dhiweyey marti sharaftii horay loogu
qorsheeyey inay halkaas ka hadlaan.
Dhinaca
dawlada Ingiriiska ayaa waxaa ka socday Mudane ka tirsan
xisibiga talada haya ee shaqaalaha oo la yiraahdo Alun
Michael, iyo haweenay dhinaca dhaqaalaha kala talisa Hay’ada
horumarinta iyo Arimaha caalamiga ah ee dalka Ingiriiska una
qaabilsan Bariga iyo bartamaha Africa oo la yiraahdo Hilary
Sunman.
Alun Michael
ayaa sheegay inay Soomaaliya guud ahaan booqdeen
waqooyi,koonfur iyo bari intaba waxaana hoosta ka xariiqay
sida ay ugu farxeen sida dadka Soomaalida isu caawiyaan
isugana xiran yihiin isagoo sheegay in guud ahaan lacagtaasi
ay ka timaado dhanka qurba joogta oo wadankooda hooyo dib u
dhisaan iyo weliba inay inay wax ka badashay nolosha dadka
dhibaataysan.
Dhinaca kale
waxaa uu Soomaalida meesha isugu timid niyada ugu qaboojiyey
in badan oo ka mid ah dadka Wales-ka oo uu isagu ka soo
jeedo,Irish, iyo Scottish ay sanado badan soo kala
qaybsanaayeen haddana arintaas ay ka walaaloobeen kana
heshiiyeen.
Hilary Sunman
ayaa iyana dhankeeda aad ugu dheeraatay dhaqaalaha
Hay’adeedu geliso dalka Soomaaliya oo sheegtay inuu gaaryo
ilaa 22 Million oo geniga Ingiriiska lagana yaabo inay
gaarsiiyaan 30 Million,waxaana sidaas oo kale ay bogaadisay
qaybta ay qaataan qurba joogtu dib u dhisaka dalkoodii hooyo
iyadoo si gaar ah u soo gaadatay lacaha xoogga leh ay u
marsiiyaan xawaaladuhu ay sheegtay in sanadkii gaarto hal
bilyan oo doolar iyo weliba ka badan.
Ugu
danbeyntii ayaa waxaa ka hadlay Max’ed Maygaag oo ah
agaasimaha urur Soomaali ah oo ku yaala Haringey Bariga ee
…..kana war bixiyey Xaawaladaha Soomaalida iyo wax
qabadkooda waxaana sheegay sida Soomaalidu dadaasho igoo si
gaar ah u ammaanay qabta libaaxa leh ee gabdha Soomaaliyeed
ka qaataan dirista lacagta,waxaana uu sheegay in mar marka
ka danbaysa uu soo yaranaayo dulqaadkii dadka oo culays weyn
tahay dirista lacagta oo iyagoo taas dal uga dhigay
shaqooyinka adag ee Soomaalida qabta iyo weliba baahidii oo
ah mid joogta ah oo marna dhamanayn.
Mar uu
Maygaag arinta sharraxaad ka bixinayey ayuu sheegay in
mararka qaarkood arinta soo wicidu ay sababto in qofkii
baqdin awgeed uu ka jawaabi kari waayo talefoonkiisa iyadoo
qof walbaa uu is jir diid siinay culayska ku soo fool leh.
Shirkaan oo
ahaa mid si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa ku dhamaaday
jawi aad u degan waxaana qof walba waqti loo siiyey inuu
kulan gaar ah la yeesho qofkii markaas uu is leeyahay dan
ayaa kaaga xiran,waxaana dhinacyadii ka soo qayb galay ka
bexeen iyaga oo ku faraxsan sida wax u dhaceen.
Daawo Sawirada
Xigasho: Boocame
webmaster@ceegaag.com |