shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

SIDEE XILKA UGA TEGAY CALI MAXAMED GEEDI? (LABA DARRAN MID DOORO..!)

(Nairobi, March 25, 2008 Ceegaag Online)

Warbixin ku saabsan Ra'iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi iyo sababihii keenay inuu xilka ka dego iyadoo warbixinta laga soo xigtay il aad ugu dhow mudaddii uu xilka hayay oo gaareysay ilaa saddex sanadood)

Ra’iisal wasaarihii hore ee dowladda KMG Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi wuxuu ahaa nin ku soo booday xilka oo aan hore loogu xisaabtamin inuu jago heerkaas ah qaban doono, Maxamed Dheere oo qeyb weyn ka ahaa isbaheysi Itoobiya wadatay oo talada loo diyaariyay shirkii Kenya ayaa miiska soo saaray markii loo baahday qof buuxiya xilkaasi oo aan isaga ahayn.

Sida uu Cali Geedi ku yimid oo lama filaan ahayd waxaa ka dambeeyay isagoo haddana si lama filaan ah ula qabsaday awoodii ay ku tiirsneyd TFG-da oo ahayd Itoobiya, wuxuuna ku guuleystay inuu kasbado ilaa heerka ugu sareeya.

Hadaladiisa kulul, diblomaasiyad xumadiisa marka ay timaado gudaha dalka iyo qalafsanaantiisa siyaasadeed wuxuu ahaa nin mutaxan oo ay adag tahay in rabitaankiisa iyo fikirkiisa wax ka duwan lagu qanciyo, wuxuuna ku caan baxay hogaamin aan laga daba hadlin oo xitaa wasiiradiisii ay la-heystayaal isaga u yihiin.

Waxyaabihii ugu waaweynaa ee Cali Maxamed Geedi lagu xusuusto intii uu xilka hayay waxaa kamida:


1. Inuu ka badbaaday isku day dil oo dhowr jeer loo qorsheeyay, midkii ugu weynaa wuxuu ka dhacay 03-06-2007 gurigiisa oo qasaare badan soo gaaray, balse isagu ka badbaaday.

2. Inuu dhisay xukuumadii ugu tirada badneyd inta la ogyahay taariikhda Soomaaliya, (xukuumadii Cali Geedi waxay tiradeedu gaartay 102,

3. Inuu Cali Geedi lahaa go’aankii dagaaladii Xamar ka dhacay, kuna amray dadka Muqdisho inay ka guuraan degaano uu calaamadeeyay si loo duqeeyo.

4. Inuusan ku wanaagsaneyn maamulka oo eex iyo qaraaba-kiilka laga dareemi jiray.

5. Inuu hanti badan oo magaca dowladda lagu helay jeebkiisa ku hubsaday.

6. Iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin loolan awoodeed oo uu la galay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

Dad badan waxaysan ogeyn sida Cali Geedi xilka uga degay, qormadeena waxaan ku eegeynaa sirta ka danbeysay xil ka tegistiisa maadaama uu ahaa nin aad ugu dhow Itoobiya.

Khilaafaad soo taxnaa is biirsaday sida kii ugu danbeeyay ee ka dhashay deeqdii Sacuudiga laga helay oo gaareysay 32 Million oo Doolar oo uu jeebka ku shubtay ayaa keenay inuu Madaxweyne C/laahi Yuusuf go’aansado xil ka qaadista Cali Geedi.

Cali Geedi markaasi ma awood yareen wuxuuna heystay lacag badan, taasoo uu ogaa C/llaahi Yuusuf, sidaas darted ayuu raadiyay cid uu la kaashado, waxaana u soo baxay inuu Cali Mahdi uga faa’iideysan karo, Cali Mahdi markaasi wuxuu guddoomiye ka ahaa guddigii dib u heshiisiinta ee shirweynaha Muqdisho, waxayna Cali Mahdi iyo C/llaahi Yuusuf isku afgarteen inay si wadajira uga shaqeeyaan xilka tuurista Cali Maxamed Geedi.

Cali Mahdi ayaa u balanqaaday Madaxweyne C/llaahi in shirka dib u heshiisiinta lagu ridi doono Cali Geedi iyo xukuumaddiisa, heshiiska qarsoodiga ah ee Cali Mahdi iyo Madaxweyne Cabdulaahi wada galeen wax yar kadib waxaa ka war helay Cali Geedi, taasina waxay dhalisay inuu joojiyo lacagtii Dib u heshiisiinta ee uu siin lahaa Cali Mahdi.

Waxaa xumaaday xiriirkii Cali Mahdi iyo Cali Geedi, waxaana dhacday in kulan Cali Mahdi u tegay Guriga Cali Geedi la isku afdhaafay oo uu si caro leh uga soo baxay Cali Mahdi, kadibna waxay arrintii noqotay is mari waa, ay dib isugu laabteen Cali Mahdi iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf wuxuu lacagtii Cali Mahdi u baahnaa si handaad ah uga saxiixay Saalim Caliyow Ibrow oo ahaa kusimihii Cali Geedi oo safar u aaday dibadda, wuxuuna C/llaahi Yuusuf si cad ugu sheegay Saalim Ibrow inuu xilka ka qaadi doono Cali Maxamed Geedi oo ay u fiican tahay inuusan isaguna dabagelin ee isaga haro.

Cali Geedi oo lacag fiican heysta iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo doonaya inuu xilka ka tuuro ayaa loolankii ugu xumaa dhex maray, waxaana dhacday inuu ciddiyaha ku dagaalamay Cali Geedi oo lacag aan yareyn siiyay xubnaha Baarlamaanka oo ay ugu horeeyaan hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho, wuxuuna helay xubno taageera oo ka badan 100 xildhibaan.

Itoobiya waxay markii hore labada Mas’uul  ee is haya u sheegtay inay ku kala baxaan Baarlamaanka oo aanay midkoodna u hiilin, laakiin xaaladii waa is bedeshay Cali Maxamed Geedi wuxuu la kulmay odayaashii Hawiye ee mucaaradka ahaa, wuxuuna Baydhaba ka soo saaray baaq uu dadka Muqdisho ugu sheegay inay iska celiyaan ciidamada dowladda Federaalka.

Iyadoo xaaladu sidaas u cakiran tahay ayuu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf istiqaaladiisa geeyay magaalada Adis ababa, wuxuuna sheegay inuu isagu iska tegayo oo xilka dhigayo ama Cali Maxamed Geedi meesha ka tago, ayna ugu wacan tahay inaysan wada joogi karin oo sinnaba ku wada shaqeyn karin.

Mas’uliyiin Mareykan ah oo uu ku jiro Safiirka Mareykanka ee Nairobi iyo saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda oo la shiray Mas’uuliyiinta sare ee Itoobiya waxay go’aamiyeen in Cali Geedi xilka ka dego inta uu meesha baneyn lahaa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf.

Go’aankaas danbe wuxuu ahaa midkii la siiyay Cali Geedi, laakiin waxaa kaloo ula jiray balanqaadyo ay ka mid yihiin

= Inaan wax dembi ah loo raacaneynin.

= Inaan hantidii deeqaha ahayd wixii ka harsanaa laga rabin

= Inay mustaqbalka ku taageeri doonaan qabashada jagadiisii hore ama mid ka weyn.

= Inay kala tashanayaan arrimaha Soomaaliya

= Iyo inuu degi karo Mareykanka haddii uu doonayo.

Cali Maxamed Geedi markii uu xilka ka degay 29-ka Oktobar 2007, kadib wuxuu inta badan ku sugnaa magaalada Nairobi oo uu guri ku yeeshay intii uu hayay xilka, waxaana laga dareemay inuu yahay fursad suge, dhowaan wuxuu ka qeyb galay munaasanad uu ku casuumay ururka talada Itoobiya haya ee Tigreega TPLF. Waxaana muuqata inuu weli yahay nin ay ka eexatay duruufta ah LABA DARRAN MID DOORO.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com