shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Super market kii ugu Casrisanaa oo caalami ah oo laga furay qaybta hoose ee Hotel City Center ee Magaalada Hargaysa.

(Hargeysa, March 20, 2008 Ceegaag Online) 

Waxaa horaantii usbuucaan laga furay ama xariga laga jaray supermarket caalami ah oo ay ka soo qeyb galeen furitaankiisa Ganacsato, Culu'maaudiin, Aqoonyahano iyo dadweyne aad u fara badan.

Munaasibadan oo  lagu qabtay Xarunta City Center Super Market oo ah super market cusub oo laga furay farasmagaalada  Hargeysa ayaa lagu qabtay isla xarunta Super market kaas oo ah Qeybta Hoose ee Hotelkaasi.

Munaasibada furitaanka ayaa waxaa  ugu horayn ka hadlay Saalax Aw Muuse oo ah maareeyaha Super market Cusub . Maareeyhu wuxuu sheegay in super market ka mid yahay mashaariicda waaweyn ee ay wadanka ka wado Shirkadda weyn ee Kaah Business Group oo ay ku bahoobeen ganacsato badan oo dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba ku sugan.

Waxaa kale, oo hadalkiisa ku daray in ay isla furan tahay qayb kale oo ah Show Room oo aad ka heli karto dhammaan agabka Furniture ka iyo qalabka guryaha oo ku yaala dacalka bari ee magaalada Hargeysa.

Waxa kale, oo isna halkaa ka hadlay C/raxmaan Cismaan oo ka mid ah Mulkiilayaasha Super Market-ka, waxaana uu ka waramay muddadii dheerayd ee lagu gudojiray sidii loo furilaaha super market kan waxanaa uu dhiirigelin iyo bogaadi u soo jeediyey dadka qurbo jooga ah ee Somaliland in ay ka qaybqaataan mashaariicda horumarinayd ee wadanka isla markaana ay tani tahay mid ku dayasho mudan.

"waa ilaah Mahadii hadaan samaysanay ganacsi u gaar ah dadka Somali-land waxaan rajaynayaa ganacsatada Somali-land iyo kuwa kale ee jecel in ay mashaariic ka samaystaan dalka in aan diyaar u nahay maxaa yeelay dalku dhismo ayuu u baahan  yahay Kaah Business Group waxay diyaar u tahay in ay wax alaale iyo naqshad kasta ay idiin dhisto" ayuu yiri C/raxmaan

Ugu dambeyntii, waxaa isna halkaa ka hadlay guddoomiyaha ganacsatada isla markaan ah guddoomiye ku xigeenka rugta ganacsiga Somaliland waxa uu guddomiyuhu Hambalyo iyo bogaadin u soo jeediyey mulkiilayaasha super market-kan, guddoomiyuhu waxa kale oo uu ka waramay horumarka xawliga ah ee wadanku ku socdo iyo sida loogu baahan yahay in lagu dhiirado maalgashiga dalka.

Super market-kan ayaa wax uu yahay midka ugu casrisan ee ku yaala magaalada Hargaysa oo caasimada somali-land waxa uuna ku Nuux nuuxsaday C/raxmaan in uu ka sii sara marin doonaan  casriga uu yahay hada oo ay tahay in lagu adeegto baabuur u gaar ah oo ay rajaynayaan inay ku  soo kordhiyaan maalmaha soo socda xataa waxaan samaynaynaa in aan dadka ugu adeegno ayaga oo jooga guryahooda.

Cabdixakiin Cilmi xasan

Hargaysa Somali-land

  

webmaster@ceegaag.com