Suuqa Bakaaraha
oo loo sameeyey ciidamo gaar ah iyo ciidamadaas oo maanta ka
howl bilaabay suuqa Bakaaraha.
(Muqdisho, March
22,
2008 Ceegaag Online)
Ciidamado
gaar ah oo ay sameysteen ganacsatada suuqa Bakaaraha ayaa
maanta markii ugu horeysay ka shaqo bilaabay gudaha suuqa
Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Ciidamadaan gaarka ah ee ka shaqo bilaabay suuqa Bakaaraha
ayaa loo sameeyey darees gaar ah oo lagu aqoosanayo, iyadoo
maantaba ay ka shaqo bilaabeen gudaha iyo hareeraha suuqa
bakaaraha.
Mid kamid ah ganacsatadii ku howlneyd sameynta ciidamadaan
ayaa sheegay in ay rajeynayaan in markaan amaanka suuqa uu
wax weyn iska badali doono, isagoo intaa raaciyey in
ciidamadaan ka shaqo bilaabay suuqa Bakaaraha ay ka madax
banaan yihiin dowladda iyo qolyaha ka horjeeda.
Wuxuu sheegay ganacsadahaas in xaaladda suuqa Bakaaraha oo
maalmihi u dambeeyey aheyd mid qasan ay markaan soo hagaagi
doonto, isagoo tajo weyn ka muujiyey in ciidamadaan gaarka u
ah suuqa Bakaaraha ay wax weyn ka qaban doonaan amaanka
suuqa.
Ma cadda in sameynta ciidamadaan ay raali ka tahay dowladda
federaalka Soomaaliya iyo in kale, waxaase arrintaas ay
imaaneysaa xilli maalmihii inaga tagay ay kulan laahaayeen
ganacsatada iyo guddiga amaanka ee dowladda federaalka.
Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa dhowr mar ku celiyey in
suuqa Bakaaraha uu kamid yahay goobaha dowladda laga soo
weeraro oo ay kooxaha ka horjeeda dowladda isku abaabulaan.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |