Ugaas caan ka ah
gobolka Gedo oo ay ciidamo Ethiopian ah ku dhigeen xabsiga
degmada Luuq.
(Luuq, March 31,
2008 Ceegaag Online)
Ciidamo ka
tirsan kuwa
Ethiopia
ayaa la sheegay in ay magaalada Luuq ee gobolka Gedo ay
xabsiga dhigeen Ugaas aad looga yaqaan gobolka Gedo.
Ugaas Bilow Xassan Xeydar oo kamid ah ugaasyada sida aadka
looga yaqaan gobolka Gedo ayaa la sheegayaa in ay xabsiga
dhigeen ciidamo ka tirsan kuwa
Ethiopia,
iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn ujeedada ka dambeysa xariga
ay ciidamada
Ethiopia
kula keceen ugaaska.
Ugaaska ayaa la sheegay in ciidamo Ethiopia-an ah oo aad u
hubeysan ay ka kexeysteen hoygiisa oo ku yaala degmada Luuq
ee gobolka Gedo, iyadoo wararku sheegayaan in dad kale oo ku
dhow ugaaska lala xiray.
Warar lagu kalsoon yahay oo laga helayo gobolka Gedo ayaa
tibaaxaya maamulka degmada Luuq ay ka dambeeyeen xariga
ugaaska markii uu ugaaska dhawaan uu ku gacan seyray in uu
beeshiisa ka dhaadhiciyo in ay la shaqeeyaan maamulka cusub
ee dhawaan halkaas laga dhisay.
Waxgaradka ku dhaqan gobolka Gedo ayaa si weyn u
cambaareeyey xariga loo geystay Ugaas Bilow Xassan Xeydar,
waxaana socda dadaalo ay wadaan waxgaradka ku dhaqan gobolka
Gedo oo ay ku doonayaan in xabsiga laga sii daayo Ugaaska.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |