Ururka Al-Shabaab
oo lagu daray Liiska Mareykanka ee ururada Argagixisada.
(Washington,
March 19,
2008 Ceegaag Online)
Sida lagu
cadeeyay qoraal ay soo saartay Xoghayaha arrimaha dibedda ee
Mareykanka Condoleezza Rice,
waxaa lagu xaaraantimeeyay in wax taageero ah haba yaraatee
nooc kastaba ha ahaatee aan la siin karin Kooxda Al-shabaab
isla markaana la xayiro wax kasta oo hanti ama danno ah ee
ururkaasi uu ku yeelan karo waddanka Mareykanka.
Qoraalka ayaa
lagu sheegay in tallaabadani la qaaday ay ka mid tahay
dagaalka lagula jiro argagaxisada caalamiga ah loogana dan
leeyahay inay ka waantoobaan falalka ay ku kacaan.
Qoraalka waxa
uu ku tilmaamay Al-shabaab inay yihiin koox xag jirta oo
qalafsan, in badan oo xubnaheeda ka tirsana lala xiriiriyo
Al-qaacida iyo xubno badan oo ka mid ah hogaamiyeyaasha Al-shabaab
in la rumeysan yahay inay ku soo tababarteen
Afghanistan,
iyagoo la safan Al-qaacida.
Qoraalkaa
Wasaaradda arrimaha dibedda ee Mareykanka waxaa lagu sheegay
in Al-shabaab ay cabsi gelisay isla markaana ay abuurtay
dhibaato lagu wiiqayo dowladda
Somalia,
iyadoo u hanjabtay hawlaha bulshada.
Kooxdu waxa
ay waraaqo ku daadiyeen ayaa lagu yiri qoraalka magaalada
Muqdisho oo ay uga digayeen sanadkii hore dadkii ka
qeybgalay shirkii dib u heshiisiinta, waraaqahaasi oo ay ku
sheegeen inay qarxinayaan goobta shirka.
Waxaa sidoo
kale ay ku balanqaadeen ayay tiri warbixinta
Condoleezza Rice inay toogan
doonaan cid walba ee qorsheynaysa ka qeybgalka shirkaasi,
isla markaana ay qarxin doonto hotelada iyo baabuurta ergada.
Qoraalku waxa
uu sheegay inkastoo aanay Al-shabaab fulin hanjabaadahaasi
haddana inay sheegteen mas'uuliyadda dilka guddoomiyeyaasha
degmooyinka Muqdisho iyo qaraxyo iyo weeraro lala beegsaday
saldhigyada ciidamada
Ethiopia
iyo saraakiisha dawladda ee Muqdisho.
Hogaamiyaha
kooxdaasi Aden Hashi Ceyroow ayaa qoraalku sheegay in dagaal
yahaniintiisa uu amar ku siiyay in la weeraro Ciidamada
Midowga Africa ee jooga Muqdisho.
Waxaa kaloo uu ugu baaqay dad ajnabi ah inay ku soo biiraan
Al-shabaab dagaalkooda ay ka wadaan Somalia, Haddaba
hanjabaadahaasi kooxda Al-shabaab ayaa sida hadalka uu u
dhigay qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda ee Mareykanku
sheegay in go'aankani oo kor u qaadayo ka warqabka hawlaha
ay wadaan, isla markaana uu hoos u dhigi doono awoodooda ay
ku hanjabayaan ee ay degenaansho la'aanta uga abuurayaan
gobolka geeska Africa sida lagu soo gabagabeeyay.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |