Ururka CCS-
Burco oo Mishiino u Tababaraysa Dhalinyaro.
(Burco, March 20,
2008 Ceegaag Online)
Tababar
socday mudo 30 Cisho ah oo lagaga hadlayo sida kor loogu
qaadi lahaa dhaqaalaha, dhalinyarada ka soo jeeda qoysaska
saboolka ah oo ay kaqayb galayaan 15 Xubnood oo ka mida
dhalinyarada bulashada ayaa maanta lagu soo gebagebeeyey
xarunta Hay’adda CCS ee Gobalka Togdheer.
Tababarkan oo
ay iska kaashadeen fulintiisa Hayada ISF iyo weliba hayada
wadaniga ee CCS, waxaa ujeedada ka danbaysa ay ahayd in
dhalinyaradan lagu tababaro qaybo mishiino ah oo isugu jira
kuwa dharka iyo qaboojinta si ay kor ugu soo kacdo heerkooda
nololeed.
Maxamed
Diiriye Xayd oo ka mida Xildhibaanada Golaha Deegaanka oo
maanta hadal ka jeediyey xidhitaankan ayaa waxa uu cadeeyey
inay Dawlada Hoose ay ka qayb galinayaan dhalinyarada suuqa
ganacisga ee ay gacanta ku hayaan, waxaanu ku bogaadinaynaa
wax soo saarka dhalinyaradan ku arkeen markii kowaad
suuqyada Magaalada Burco.
“Maryaha aad
soo saarteen waanu aragnaa waxaanay geli karaan suuqyada
ganacsi “ ayuu yidhi.
Dhalinyarada
ka aflaxday tababarkan oo la baray siday mishiinada Casriga
ah uga samayn lahaayeen nooca (Screen ) Iskiriinka ah oo
casriya iyo weliba dharka haweenka ee naqshadaysan kuwaasi
oo lagayn karo suuqyada ganacsi ee Burco.
Maamulaha
Hayada CCS Yusuf Cismaan Garas ayaa isaguna xidhitaankii ka
sheegay in ilaa 600 Garbasaaraha dumarka ay xilligan
dhalinyadu galiyeen suuqa kuwaasi oo hada lagu iibsanayo
Suuqa isla markaana ay qaybta qaboojintuna sidoo kale
geliyeen Goobaha Cabitaanka ee wax soo saarkooda.
Sarkaalkan
waxaa uu sheegay inay qorshe ugu jirto inay sii wadaan
mashruucan oo ay ku kacday lacag aan la sheegin xadigeeda
haddii uu noqdo mid saamayn ku yeesha suuqyada ganacsiga.
Gudoomiye
Kuxigeenka Golaha Deegaanka Degmada Burco Ahna Kusimaha Duqa
Axmed Cabdi Jaamac (Falaay) ayaa isagu ka hadlay
xidhitaankii xafladan wuxuuna yidhi ugu horeyn ilaahay baa
mahad leh waxaan u hanbalyeynayaa Hayada CCS intaa dabadeed
run ahaantii dad islaama ayeynu nahay hadii aanu nahayna
kolay halkan Hayadan lafteeda waxay ahaan jirtay ama lagu
sheegi jirey qaab xaga shareecada Islaamka aad looga hadlay
ilaahayna wuxuu yiri Xumaha iska Reeba Wanaagana is Fara
isagoo soo qaatay Aayad Quraana, waxaan ku talinlahaa oo aan
odhan lahaa inagoo shareecada Islaamka ku dabaqayna si aanay
ribo meesha u iman culimada Diinta ayey inoo haysaa in
badana way ka hadleen in layska ilaaliyo ribada.
Waxaan soo dhoweynayaa oo dhiiri gelinayaa qaybaha faraha
badan wax soo saarka ah ee Burco hore u jirin hal garan oo
Burco lagu sameeyey.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |