Waa Maxay
dhexdhexaadnimada Diintu?
(Somalia, March
28,
2008 Ceegaag Online)
Allaah ayaa
mahad iyo amaan mudan oo iska leh, waan u mahad celinaynaa
waan kaashanaynaa dembidhaaf ayaan waydiisanaynaa, waxaan
Allaah ka magan gelaynaa shararka nafahayaga, iyo
acmaashayada kuwooda xun, kii Allaah hadeeyo cid lumin
kartaa ma jirto, kii Allaah luminayona cid hadayn kartaa ma
jirto, waxaan qirayaa inaanu jirin Ilaah xaq lagu caabudaa
Jiritaanka oo aan Allaah ahayn kelidii oo aan lahayn wax
shiriik ah oo lagu lamaaneeyo, waxaan qirayaa in uu Maxamed
yahay adoonkii Allaah iyo Rasuulkiisii.
Intaas ka
dib:
Waxaan had
iyo jeer maqalaa dhexdhexaadnimada Diinta ama Diintu waa
dhexdhexaad, taas oo nin waliba siduu doono isaga fasirto,
gaar ahaan waxaa Kelmedan aad u isticmaala Dadka aan iyagu
siin Diintooda wax ahmiyad kuna dhaqmin bal Magac ahaan iyo
Juqraafi ahaan uun u ah muslimiin, oo marka loo sheego ama
lagu waayniyo arin Diinta ka mid ah bay markiiba waxay
kugula soo boodayaan Kelmedatan oo ku odhanayaan war Allaah
tacaalaa inaguma adkayn Diinta oo Diintu waa dhexdhexaad ee
Dadka ha ku adkayn Diinta, hadaanayba kugu tuhmin wax intaas
ka sii durugsan sida Xagjir baad tahay iwm,
Taas oo
runtii noqotay ama laga dhigay Kelmedatan Xaqqa ah mid
lagaga hortegaayo oo lagu cubudhinaayo Diinta iyo
Dacawadeeda laynagu amray, oo keentay in ay Dadku xataa wax
badan oo Waajibiyo ah kaga tageen iyada oo lagu
marmarsoonaayo Kelmedatan iyo Kelmedaha la midka ah sida
“Allaah waa Raxmad badane dembi dhaafa” iyo “Diintu waa
yusur ee maaha cusri” iwm, runtiina waa kelmedo Xaqq ah
laakiin loo adeegsanaayo si aan Xaqq ahayn
Allaah casaa
wajalaa iyo Rasuulkiisu sala Allaahu calayhi wasalam wixii
ay inagu amreen ama ay inaga reebeen maaha sideedaba waxaan
la qaban karayn oo adag ama Qofka dhib ku ah, iyada oo ay
sidaas tahay ayaa hadana wixii laynagu amray weliba aad
laynoo ku sii fududayay iyada oo Xaalada badan layna siiyay
Rukhsado dheeraad ah, laakiin se waxa jirta in Dadka
badankiisu marka laga reebo in yar oo Allaah tacaalaa u
naxariistay aanay taasu ku filayn, oo ay doonayaan in sidii
Hawadoodu doonto ay ahaato Diintu sidaasna lagu salayo oo
aanay isku hawlin barashadeeda haba yaaraatee oo Diintu
noqoto siday iyagu doonayaan oo Hawadooda ah
Iyada oo ay
ka qafilantahay Dadkan iyaga ah in Allaah subxaanahu
watacaalaa aanu Insiga iyo Jinkaba u abuurin waxaan ahayn in
ay isaga uun Caabudaan Kelidii oo ay waajib ku tahay sidaas
owgeed barashada Diintu siduu yidhi tacaalaa: {tan
weeye qaayada uu u abuuray Allaah Jinka iyo Insiga ee uu ugu
soo diray dhamaan Rasuulada inay ugu yeedhaan waana
caabudaadiisa tacaalaa oo ka kooban garashadiisa,
jeclaantiisa, u soo noqoshadiisa, ogolaantiisa iyo diidista
caabudaada wixii ka sokeeya tacaalaa taasuna waxay ka kooban
tahay garashadiisa waayo caabudaada dhami waxay ku xidhan
tahay garashada aad garanayso Allaah tacaalaa waayo markay
sii korodho aqoonta Adoonku u leeyahay Rabigii waxay noqon
caabudaadiisuna mid dhamaystiran waana taas tuu awgeed
Allaah jalaa wacalaa u abuuray Adoomaha},
Xaqiiqadii
Kelmedanu waa Kelmed Xaqq ah laakiin loo adeegsaday si
Baadil ah, waxayna noqotay Dube wayn oo aad u xoog badan oo
lagu burburinaayo Diinta Islaamka. Markay arintu sidaas
tahay ayaan waxaan jeclaystay in aan Aqristayaalka
Mareegteenan wanaagsan aan u soo bandhigo bal waxa looga
jeedo Kelmedatan Xaqqa ah Sharci ahaan, taas oo uu inoo
sharxi doono Caalim wayn oo ka mid ahaa Culimadii ugu
waawaynayd Casrigan aan ku jiro oo loo daba fadhiisan jiray
Culuumta Diinta Islaamka, wixii laysku qabtona ka mid ahaa
Culimadii loola tegi jiray, waana Shiikh Alcalaamah Aliimaam
Maxamed Binu Saalax Alcuthaymiin Allaah ha u naxariisto ee,
waana Su’aal ay Arintan ka waydiiyeen tiro Akhyaar ahi
Shiikha Allaah ha u naxariistee Kelmedatan waxayna u dhacday
sidatan soo socata:
Su’aal: waa
Maxay muraadka looga gol leeyahay dhexdhexaadnimada Diinta?
Jawaab: Wuxuu
yidhi Shiikhu Allaah ha u naxariistee, Allaah ayaa Mahad
iyo Amaanba mudan oo iska leh. Dhexdhexaadnimada Diintu waa
in aan Dadku buunbuunin Arimaha Diinta oo aanu dhaafsiin
Xadkii uu u yeelay Allaah casaa wajalaa iyo in aanu ku
tagrifalin ama qasirin oo aanu ka dhimin Xadkii uu u yeelay
Allaah subxaanahu watacaalaa. Dhexdhexaadnimada Diintu waa
inuu Qofku qabsado sidii uu ku socon jiray Nebigii sala
Allaahu calayhi wasalam, Buunbuuninta Diintuna waa in uu
taas dhaafsiiyo, Tagrifalista ama Qasiraaduna waa in aanu
taas gaadhsiin
Waxaa tusaale
u ah taas: Nin yidhi anigu waxaan rabaa in aan soo jeedo
Habeenkii oo aanan seexan Casriga oo dhan yacni intaan
noolahay oo aan ku qaato soo jeedkaas oo dhan Salaad aan
tukanaayo waayo Salaadu waa Cibaadooyinka ugu Fadliga badan,
markaas waxaan jecelahay in aan Habeenkii oo dhan ku
nooleeyo Salaad tukasho. Kaas waxaynu leenahay: waa mid
Diinta Allaah buunbuuniyay, mana uu ku taagna Dariiqa xaqqa
ah
Waxaana
dhacday Cahdigii Nebiga sala Allaahu calayhi wasalam tan oo
kale, dhowr baa shiray markaas baa qaarkood yidhaahdeen:
anigu waan soo jeedayaa mana seexanaayo, mid kale ayaa yidhi:
anigu waan soomayaa mana afuraayo, mid saddexaad ayaa yidhi:
anigu ma guursanaayo Dumar, taas ayaa gaadhay Nebigii sala
Allaahu calayhi wasalam, markaas ayuu yidhi calayhi salaatu
wasalaam: (bal
ka warama Qoomam odhanayaa sidaa iyo sidaa, anigu waan
soomaa waana afuraa, waana seexdaa, Dumarkana waan guursadaa,
hadaba Cidaan raacin Sunnahayga iga mid maahaa, yacni
Ummadayda kama mid aha)
hadaba kuwaasu way buunbuuniyeen Diintoodii markaas ayuu ka
beri yeeshay iyaga Rasuulkii sala Allaah calayhi wasalam
waayo may raacin Sunnihiisii sala Allaahu calayhi wasalam ee
ahayd in la soomo lana afuro, Salaada Habeenkiina loo kaco
lana seexdo iyo in Dumarka la guursado
Kan se ku
tagrifalaha ama Muqasirkuna: waa ka yidhaahda anigu uma
baahni in aan Tadawuc sameeyo ( yacni oo aan wixii laygu
farad yeelay aan ku daro Sunan aan kaga dayanaayo Rasuulka
sala Allaahu calayhi wasalam) markaa anigu ma samaynaayo
Tadawuc ee waxaan la imanayaa oo samaynayaa Faradka oo keli
ah, waxabana dhici karta inuu xataa hadana ku tagrifalo oo
qasiro Faradyaalka, kaasu markaa waa Tagrifale ama Muqasir
Dhexdhexaadkuna: waa kan ku socda oo raaca Wuxuu ku sugnaa
Rasuulkii sala Allaahu calayhi wasalam iyo Khulafadiisii
hanuunsanayd
Tusaale kale:
saddex Nin oo uu ka soo horjeedo Nin Faasiq ahi, midkood
Wuxuu yidhi: anigu ma salaamaayo kaa Faasiqa ah, waana ka
hijroonayaa oo ka fogaanayaa isaga, lana hadlimaayo.
Kii labaadna
Wuxuu yidhi: anigu waan la soconayaa kaa Faasiqa ah, waana
salaamayaa, Wejigana waan u wanaajinayaa waana aan u
yeedhayaa oo Dacwadaha waan u jeedinayaa, waana ka aqbalayaa
Dacwadiisa markuu ii yeedho, kamana dhigna xagayga waxaan
ahayn in uu yahay Nin wanaagsan
Kii
saddexaadna Wuxuu yidhi: kaas Faasiqa ah waan ku
karahsanahay oo ku necebahay Faasiqnimadiisa, waxaana ku
jecelahay Iimaankiisa kana hijroon maayo hadii aan ka
haajiridiisu sabab u noqonayn Hagaajintiisa, hadii se aanay
u noqonayn ka haajiridu sabab Hagaajintiisa bal ay sii
kordhinayso Faasiqnimadiisa anigu markaas ka haajirimaayo
Markaa
waxaynu leenahay: kan hore waa Xagjir Buunbuuniye ah, kan
labaadna waa Xagjir Tagrifale ama Muqasir ah, kan
saddexaadna waa dhexdhexaad.
Sidaas oo
kale baynu odhanaynaa dhamaan Cibaadooyinka iyo Mucaamilada
Dadka ee kale, Dadku waxay noqonayaan Xagjir Buunbuuniye ah,
Xagjir Muqasir ama Tagrifale ah iyo Dhexdhexaad
Tusaale
saddexaad: Nin u ah Maxbuus Xaaskiisa oo ay u jeedinayso
meeshii ay doonto aana ka celinayn Denbi kuna boorinayn
Wanaag, Caqligiisii ay hantiday oo ay noqotay iyadu tan
toosinaysa isaga.
Iyo Nin kale
oo kula dhaqma Xaaskiisa Cadaadin iyo Wareerin iyo iska
waynayn iyo ka sarayn oo aan wax ahmiyad ah siin iyada oo
aad moodo in ay uga dhigan tahay Jaariyad ama Shaqaale
Guriga uga shaqaya.
Iyo Nin
saddexaad oo dhexdhexaad ah oo ula dhaqma Xaaskiisa sidii uu
amray Allaah iyo Rasuulkiisu: {waxayna
ay ku leeyihiin Dumarku Ragooda Xuquuq iyo Daryeel sida ay
Raguna ugu leeyihiin Dumarkooda Xuquuq laasim ah iyo mid
Mustaxaba ah, ku noqoshada Xuquuqda labada is qabana waxa
lagu salaynayaa Wanaag ama Macruuf waana: Caadada lagaga
dhaqmo Wadankooda iyo Waqtigaas, waxayna taasu ku kala
duwanaan kartaa kala duwanaanshaha Waqtiga iyo Goobaha iyo
Xaaladaha iyo Dadka iyo wax haynta Qofka}
iyo: (kama
tago ama ma karho Mu’minku Mu’minad, hadii uu ku karho iyada
Abuur Wuxuu kaga raali noqdaa Abuur kale)
Markaas kaa
ugu dambayaa waa dhexdhexaad,
kan
ugu horeeyaana waa buunbuuniyay la dhaqanka Xaaskiisa,
kan
labaadna waa Muqasir ama Tagrifale.
Ku qiyaas tan
inta hadhay Camalada iyo Cibaadooyinka. Halkaas buuna ku
dhamaaday Hadalkii Shiikhu Allaah ha u naxariistee
Waxana laga
soo guuriyay Hadalkan Silsilada Majmuuc Fataawaa wa Rasaa’il
Fadiila Ashiikh Maxamed Binu Saalax Alcuthaymiin Allaah ha u
naxariistee Mujaladka/1-Boga/ 42
Qoraalkana
intaas ayaan Maanta ku soo geba gebaynayaa inaka oo inshaa
Allaah ku la mid ah ku soo qaadi doona Qoraaladeena dambe,
Allaahna waxaan waydiisanayaa in uu aniga iyo idinkaba inaga
dhigo kuwa ku socda Dhexdhexaadnimada Diinta inana cafiyo
Caafimaad labada Daarood ahna ina siiyo Aamiin
Waxaa soo
diyaariyay:
Essa Mohamoud
almutawaadic@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |