shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Waa Sidee  Ganacsiga Soomaalida ee ku lamanaan geerida Dalka Koonfur Africa.

(Johannesburg, March 23, 2008 Ceegaag Online) 

Soomaalida ku dhaqan dalkan Koonfur Afrika ayaa  Siyaabo kala duwan uga ganacsata dalkan tan iyo xiligii  ay la wareegeen dadka madoow  ee u dhashey dalka k/Africa iyagoo xukunka kala wareegay dadkii   cadaanka ahaa ee wadanka haystay wixii ka horeyeey  sannadkii 1994-tii xiligaas oo ganacsiga xorta ah ee maanta ka jira  guud ahaan  dalka k/Africa uusan ka jirin, walow dad Indian iyo cadaan isugu jira  ay ka ganacsan jireen  waqtigaa dalka........ balse maanta ganacsiga uu yahay mid xor ah oo cid walba eey uu madaxbanaan tahay.
 
Hadaba Waa Sidee ganacsiga  Soomaalida ee dalka K/africa.  dadka soomaalida ee ka ganacsata guud ahaan dalka  k/Africa ayaa waxaa la soo darista dhibatooyin fara badan dhibatooyinkaas oo ay ugu horeyso  dhac, boob, iyo  dil, amaba gubniin balse soomaalida ka ganacsata dalkan  ayaa waxaa lagu tiriyaa soomalida ugu ganacsiga  badan  Jaaliyadaha Soomaalida  kuwooda  ganacsiga ku leh Qaaradan Africa,
 
Hadaba ganacsiga Soomaalida ayaa wuxuu ka bilaabmey tulooyinka eey dagaan yihiin dadka modoow ee ku dhaqan dalka  k/Africa ganacsigaas oo eey ka helan soomaalida dhaqaalo fara badan oo aan la soo koobi karin tasoo sabab u noqotey soomaali badan in ay naftoodi ku waayeen,walow eey jiran soomaali  badan  oo magaalooyinka waa weyn ku leh ganacsi, ganacsigaas oo isugu jira  Hotelo la seexdo ama kuwa laga cunteeyo sidoo kale  dukaamo dhar ah iyo Xawaaladaha lacagta laga dirsado iyo qeybo badan oo aan la soo koobi karin ayay ku leeyihiin magalooyinka,
 
Si kastaba ha ahaatee ganacsiga  soomalida  ee Dalkan  Koonfur Africa ayaa wuxuu uu muuqda mid   hoos u dhac uu ku yimid ka dib markii ay bateen boobka dukaamanka iyo dilka aan naxariista laheyn ee ka jira guud ahaan dalkan Koonfur Africa,


Hassan yeey
 
Johannesburg, South Africa

yeey18@live.com

  

webmaster@ceegaag.com