Wadada wadnaha
oo maanta muddo kadib si toos ah gaadiidka BL-ka iyo
dadweynahu ay u isticmaalayaan
(Muqdisho, March
29,
2008 Ceegaag Online)
Wadada
wadnaha oo dhawaanahaan u xirneyd ciidamada dowladda KMG
ayaa maanta markii ugu horeysay ay gaadiidka BL-ka ah iyo
dadweynuhuba si caadi ah u isticmaalayaan, iyadoo aaney
wadadaas ka jirin wax dhibaatooyin ah.
Gaadiidka
dadweynaha ee isaga gooshi jiray inta u dhexeysa Siinaay
illaa KM4 ayaa maanta markii ugu horeysa muddo kadib la
arkayey iyagoo dadka u daabulaya inta u dhexeysa Siinay ilaa
KM4 halkaas oo muddo badan aaney gaadiidka iyo dadweynhuba
isticmaalin, waxaana sidoo kale wadada dib uga howl bilaabay
gaadiid kale oo iyagana isaga gooshaya deegaanada kale ee
magaalada.
"Waa ilaah
mahaddii haddii saakay gaariga iga qaada isgoyska Siinaay uu
si toos ah ii geynayo KM4 oo aan muddooyinki ugu dambeeyey
waddooyin qarda jeex ku gaari jirnay, waana arrin aan si
weyn ugu faraxsanahay ka shacab ahaan" ayuu yiri mid kamid
ah dad ku sugnaa isgoyska Siinaay halkaas oo gaadiidka laga
raacayey.
Dadka qaarkii ayaa walaac ka muujiyey in ciidamada dowladda
ay mar kale ku soo noqdaan wadada wadnaha sidii dhacday
dhowr mar oo hore, iyadoo dadka ay sheegayaan in arrintaan
ay tahay mid aan sii jireyneynin oo ay ciidamadu dib ugu soo
laabanayaan wadada.
Ciidamada dowladd ayaa gelinii dambe ee shalay halkaas ka
guuray, iyadoo saakay gaadiidka iyo dadweynaha ay wadada
bilaabeen in ay si caadi ah u isticmaalaan.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |