Wafdi ka socda
Hay’adda QM oo ku sugan gobolka Galgaduud islamarkaana u
kuur galaya xaaladaha abaaraha iyo iyo la'aanta ee ka jira
gobolkaas.
(Dhuusomareeb,
March 27,
2008 Ceegaag Online)
Wafdiga ka
socda Hay'adaha Qaramada Midoobay ayaa gaaray xarunta
gobolka Galgaduud ee Dhuusamareeb halkaas oo ay kulamo kula
qaateen mas'uuliyiinta iyo wax garadka ku dhaqan magaalada
Dhuusamareeb.
Xubnaha
wafdiga oo ka koobnaa seddex ayaa u tagay magaalada
Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud in ay qiimeeyaan
xaaladaha abaaraha iuyo biyo la'aan ee ka jira gobolkaas,
waxaana wafdiga ay socdaal ku tagayaan deegaano kale oo ku
yaala gobolka gaar ahaan degmooyinka Caabudwaaq iyo
Balanballe.
Wafdiga ka
socda hay'adaa Qaramada Midoobay oo garoonka magaalada
Dhuusamareeb ka soo degay salay gelinkii dambe ayaa kulamo
ay qaateen mas'uuliyiinta degmada Dhuusamareeb waxa ay
iskula meel dhigeen sidii ay hay'aduhu gargaar ku gaarsiin
laahayeen dadka ku dhibaateysan gobolka Galgaduud.
Xubnaha
wafdiga ee ka socda hay'adaha Qaramada Midoobay ayaa la
filayaa in ay saacadaha soo socda u ambabaxaan deegaano
kamid ah gobolka Galgaduud si ay u soo qiimeeyaan xaaladaha
ka jira deegaanadaas.
Gobolka
Galgaduud ee dalka Soomaaliya ayaa kamid ah gobolada dalka
ee ay ka jiraan abaaraha baahsan iyadoo dadka iyo duunyada
ku dhaqan gobolkaas ay qarka u saaran yihiin in ay u
geeriyoodaan biyo la'aan iyo abaaro baahsan oo gobolkaas ka
jira.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |