Wararkii ugu
danbeeyey ee Hubkii Magaalada Yagoori laga saaray Maalintii
shalay.
(Yagoori, March
26,
2008 Ceegaag Online)
Waxaa
saaka markii ugu horaysay meel ka baxsan Magaalada Yagoori
laysugu geeyey hubkii shalay laga saaray Xerada Timoweyne ee
Magaalada Yagoori .
Hubkan oo tiradiisu dhamayd labo Kaare, Hal Suug, labo
Baroon, Qori BM ah Iyo Hal Madhfaco oo ahaa nooca looyaqaan
105 ilaa 16 Hoobiye ayaa maalintii Shalay ahay ay Ciidamada
Somaliland Kala baxeen Xarunta Xerta Timoweynta ee
Magaalada Yagoori.
Hubkan ayaa waxaa ladhigay Xarunta Xerta Yagoori sanadkii
1992-dii kadib markii uu dhamaaday Dagaalkii Udhaxeeyey
Beelaha Waqooyiga Soomaaliya , ilaa iyo mudadaas wax Hubkaa
loo aqoonsanaa Hub ay si Gaar ah uleedahay Beesha Jaamac
Siyaad ee ka tirsan Beelweyne Dhulbahante.
Waxaa hubkaas oo maalintii shalay ahayd laga saaray
Magaalada Yagoori la geeyey meesha loo yaqaan Bigidhka oo
Xaga oo Dhinac, Koonfur galbeed ka xigta magaaada Yagoori,
Waxaana loo bixiyey Guutad 7aad ee Ciidamada Qaranka
Somaliland Waxaana warar ku dhow dhow Saraakiisha Somaliland
sheegayaan in loo keeni doono Ciidamo kale oo aan degaanka
udhalan laguna qaramayn doono
waxaa lagu wadaa in maalinta Beri ah Xaflad lagu maamuusay
arintaa lagu qaban doono magaalada Yagoori, xafladaas marka
loo sii kuur galo dadka ku nool degaan ayaa aad ugu biyo
diiday iyagoo sheegay inaysan arintaasi tahay mid aan laga
fiirsan dadka degaankuna aanay raali ka ahayn meesha arimuhu
marayaan
Xigasho: Holhol
webmaster@ceegaag.com |