shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wasiirada Arrimaha Dibada ee Dalalka carabta oo shir Muhiim ah uga furmey Magaalada Dimishiq ee Dalka Syria.

(Dimishiq, March 28, 2008 Ceegaag Online) 

Wasiirada Arrimaha dibadda ee dalalka Carbeed ayaa maanta  shir uga furmay magaalada Dimishiq ee dalka Syria,kaasi oo horu dhac u ah Kulanka Madaxda Carbeed ee halkaasi ka furmi doona maalinta Sabtida ee fooda inaku soo haysa. 

Kulankan ayey Wasiiradu xooga saari doonaan arrimo fara badan oo ka dhex taagan dalalka Carbeed dhexdooda, kuwaas oo ay ugu horeeyaan mushkiladaha haysta Dalalka Lebanon,Iraq Falastiin,Sudan,Soomaaliya iyo Waliba Jasiidaha Camoros,waxayna isku dayi doonaan bal inay xal waara uga gaari lahaayeen,ama ay isugu dayi lahaayeen sidii xalkooda lagu heli lahaa.

Wasiirada oo hadda ku jira kulan ay albabadu u xiran yahay ayaa gabagabada kulankaan soo saari doona Bayaan loo gudbin doono Madaxda Carbeed ee la filayo in Barri ay Dimishiq gaaraan badankoodu si ay uga wada hadlaan iyaguna markooda.


                                             
Dhinaca kale Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Syria ayaa ugu baaqay masuuliyiinta dalka Lebanon inay ogaadaan in Masuuliyada dalkoodu ay iyaga   saarantahay, isagoo Masar iyo Sacuudigana ugu baaqay inay qaybta kaga aadan ka qaataan Mushkilada Lebanon oo aysan Syria kaliya ku eegan arrinta.

Waliid Al-Mocallim wuxuu sheegay  in xalka Lebanon ay wada raadiyaan dhamaan Lebnaaniyiintu iyadoo aan loo eegayn cida Guuleysatay iyo tan laga Guuleystay toona.

                                             

Mocallim wuxuu kale oo sheegay in khilaafaadka u dhexeeya Madaxda Carbeed aysan noqon kuwo dumiya danaha guud ee Carabta ka dhexaysa,iyo wada shaqaynta guud ee dalalka Walalaha ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

Agendaha kulankan Maanta ayaa waxaa ugu horeeya Heshiiskii dhawaan ay gaareen ururada Fatah iyo Xamaas iyo Xiriirka Gabaabsiga ah ee Carabta u dhexeeya.

                                            

Xog-hayaha Guud ee Jaamacada Carabta  oo isaguna goobta ka hadlay ayaa ugu baaqay Carabta inay Mushkiladahooda meel uga soo wada jeestaan,isla markaana u midoobaan cadowgooda,taasi oo buu yiri ah tan kaliya ee lagaga bixi karayo dhibka iyo kala daadsanaanta hadda jirta.

Kulanka Wasiiradda arrimaha dibadda Carbeed ayaa isaguna aan ka duwaneyn kan Madaxda Carbeed,waxaana ka maqan Wasiirada Dalalka Sacuudiga,Masar iyo waliba Lebanon,kuwaasi oo usoo dirsaday wakiilo kale oo matalaya.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com