shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Waxaa Cirka isku sii shareeraya Qiimaha lakala siisto Shiidaalka Suuqyada Magaalada Muqdisho iyo Guud ahaan Gobolada Dalka.

(Muqdisho, March 18, 2008 Ceegaag Online)

Qiimaha la kala siisto shidaal ayaa meeshii ugu sareysay ka gaaray magaalada caasimadda ah ee Muqdisho xilli sicirbarar kale oo dhinaca maciishadda ah uu ka jiro magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka Soomaaliya.

Qiimo koror kii ugu darnaa ayaa suuqyada lagu iibiyo shidaalka si weyn looga dareemayaa, waxaana labo jibaar uu ku yimid qiimaha shiidaalka iyadoo taas ay saameyn ku yeelatay dhaqdhaqaaqa gaadiidka dadweynaha ee gudaha magaalada Muqisho iyo gobolada dalka.

'Inta badan gaadiidka BL-ka waa la iska xareeyey, inta hadda aad aragto ee shaqeyneysana waxay kordhiyeen lacagaha ay dadka ku qaadaan, ganacsatada shidaalka ayaa qiimo koror nagu sameysay' ayuu yiri mid kamid ah darawalada gaadiidka BL-ka ah oo u waramayey shabakadda Ceegaag.com.

Gaadiidka dadweynaha ayaa tusaale ahaan halkii deegaanada qar marki hore lagu raaci jira 3000 waxaa hadda laga dhigay 5000, iyadoo deegaanada qaarna markii hore lagu raaci jira 2000 halka haddda laga dhigay 5000.

Dhinaca kalena dadka danyarta ah ayaa cabasho xooggan ka muujiyey qiimo kororka ku yimid maciishada, iyagoo sheegay in ay markii horeba la daalaa dhacayeen heerka noloshooda haddana ay ugu darsan tahay qiimo kororka ku yimid noocyada kala duwan ee maciishadda.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

 

  

webmaster@ceegaag.com