Waxaa Maanta
lagu wadaa in Magaalada Washington ka bilawdaan wada hadalo
u dhexeeya Dowladdaha Ruushka iyo Mareykanka,
(Washington,
March 26,
2008 Ceegaag Online)
Wada hadaladan ayaa la shaaciyay in dirada lagu saari doono
qorshaha Washington ay ku doonayso in ay hanaan difaaca ay
ka samaysato bariga Qaraada yurub talabadas oo Xukuumada
Ruushka ay aad uga carootay,
Afhayeenka Wasaarada Ariimaha dibada dalka Mareykanka ayaa
shaaca ka qadaay in wada hadaladani ay u dhaxeyaan dalalka
Ruushka iyo Mareykanka iyada oo ay ka wada qeyb galayaan
khubaro dhinaca difaaca iyada oo dhinaca wafdiga Maraykanka
uu hogaaminaayo khabiir ka socda wasaarada gashandhiga
maraykanka ee loo yaqaano Pentagon , halka wafdiga dalka
Ruushka uu horboodayo siyaasiga lagu magacaabo sergey
kayislikiya isla mar ahaantana ah wasiir ku xigeenka
ariimaha dibada ee Ruushka.
Wada hadaladan ayaa ku soo beegmaya xili dhawaan u wada
hadalo tayo leh ay ka dhaceen Magaalada Moscow ee
xarunta dalka Ruushka wada hadaladaas oo dhexmaray dalalka Maraykanka
iyo Ruushka,
Xukuumada Washington ayaa shacaa ka qadaay in qorshahan ay
ku dooneyso in ay ka dhisato wadamada Poland iyo Czech
Republic, ay wax badan hanaanka difaaca Maraykanka uu kor
uu qaadi doono walow go'aankani uu lidi ku yahay xukuumada
Moscow oo durbadiiba walaac weyn ka Muujisay
si kastaba ha ahaatee wada hadalada maanta ka dhicii
doonaa magaalada Washington ayaa laga wardhowraya go'aanka
aay ka qaadato xukuumada Ruushka oo inta badan ka biya
diida hanaanka xukuumada Washington ay ku damacsantahay in
ay ka sameysato Saldhigyo Wadamada Ku yaala Bariga
Europe.
Hassan yeey
Johannesburg, South Africa
yeey18@live.com
webmaster@ceegaag.com |