Waxaa shalay lagu
dilay dalka Koonfur Africa, muwaadin Soomaliyeed oo ku lahaa
dukaan Magaalada Orange Farm ee Gobolka Geuteng.
(Johannesburg,
March 19,
2008 Ceegaag Online)
Muwaadinkan
ayaa waxaa togaasho ku dilay koox burcad ah oo aan
heybtooda la aqoonsan ka dib markii ay tacshiraad kale
eegteyn wadnaha kooxdan ayaa la sheegay in aysan wax sida uu
badan aysan ka qadaan dukaanka ay ku dileen marxuumka iyagoo
markiiba halka kaga baxsaday gaari.
Muwaadinkan
Soomaaliyeed ayaa lagu magacaabi jirey ( Anfac sh. Cali)
Da'diisana lagu sheegay 30 sano jir ifkana kaga tagay xaas, muwaadinkan
Soomaaliga ayaa xaley fiidkii lagu aasey qabuuraha weyn ee
Magaalada Johannesburg,
Mahan markii
ugu horeysay ee ganacsade Soomaaliyeed lagu dilo dalka
Koonfur Africa iyadoo hadh iyo jeer ay soo noqnoqoto
falalka lagu ugaarsanayo ganacsatada soomaliyeed ee ku
dhaqan wadankan,
Dhinaca kale
isla shalay ayaa waxaa lagu boobey Magaalada Pretoria
dukaamo ganacsato soomalieed ay leeyihiin oo kor uu dhaafaya
ilaa iyo 15 dukaam lama garanayo sababta ka dambeysa
boobka shaley loogeystay dukaamkan mid ka mid ah
ganacsatada lagu boobey magalada Pretoria oo qadka
telefonka aan kula xiriirey ayaa ii xaqiijiyey dukaamanka la
boobey inaysan garaniin ciida ka dambeysa falka boobka
iyado booliska magalada Pretoria aysan waxgurmaad ah u
fidiniin ganacsatadan,
si kastaba
ha ahaatee dowlada Koonfur Africa ayaanan u muuqan mid wax
ka qabaneysa tacadiyada lagula kacayo umada
soomaliyeed ee ku dhaqan dalka Koonfur Africa,
Hassan yeey
Johannesburg, South Africa
yeey18@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |