Xaaladda
koonfurta Magaalada Gaalkacyo oo ay shalay dagaallo ku
dhexmareen labo maleeshiyo beeleed ayaa saaka deggan
(Gaalkacyo, March
18,
2008 Ceegaag Online)
Xaaladda
Koonfurta Magaalada Gaalkacyo oo ay shalay ka dhaceen
dagaalo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa saaka deggan,
waxaana halkaasi ka socda dadaallo ay wadaan nabadoono iyo
waxgarad ka soo kala jeeda dhinacyadii shalay ku dagaalamay
halkaas.
Wararka laga
helayo Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in xaalad deganaan
ah ay saaka ka jirto goobihii ay shalay dagaalada ku
dhexmareen labada maleeshiyo beeleed, iyadoo ay wararku
tibaaxayaan in deegaanada koonfureed ee magaalada Gaalkacyo
ay weli ka jiraan abaabulo dagaal oo ay wadaan
maleeshiyaadkii shalay dagaalamay.
Mid kamid ah
salaadiinta Beelaha ku dagaaladay dhinaca koonfureed ee
Gaalkacyo ayaa ugu baaqay dhinacyada dagaalamay in ay
xabadda joojiyaan oo ay taas badalkeeda waan-waan iyo wada
hadal ku xaliyaan, isagoo intaa raaciyey in dagaalku uu
kaliya reebayo khasaare ee aanu laheyn faa'iido.
Dagaal shalay
ka dhacay meel duleedka kaga aaddan dhinaca koonfureed ee
magaalada Galkacyo isla markaana dhexmaray labo maleeshyo
beeleed oo isku haya lahaanshaha dhul ku yaala halkaas ayaa
waxaa ku dhintay 10-qof iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro badan
oo dad ah.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |