Xil.Cali Maxamed
Geeddi oo wada olole Siyaasadeed oo looga soo horjeedo
Siyaasadaha Dowladda Federaalka Kmg.
(Nairobi, March
18,
2008 Ceegaag Online)
Ra’iisal Wasaarihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Cali Maxamed Geeddi haatana xubin ka ah Baarlamanaka KMG ah
ayaa wada olole Siyaasadeed oo uu isaga tirtirayo eedeymihii
loo jeediyay kol hore taas oo ay ka mid ahayd inuu lunsaday
Lacagtii 30 iyo dhawrka Million ahayd ee Dowladda Sacuudiga
ugu deeqday Soomaaliya.
Xildhibaan Geeddi oo
sameystay Web Site ama Bog Interned ah http://www.soomaalidamaanta.com
kana shaqeeya nin Camerista u ahaan jiray isaga xilligii uu
ahaa Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in
Lacagtii Sacuudiga laga helay uu isticmaalay Madaxweyne
Yuusuf kuna iibsaday hub iyo waxyaabo kale.
Sidoo kale Boggaas ayaa
waxaa inta badan lagu soo bandhigaa aragtida Xildhibannada
ka soo horjeeda Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya
C/llaahi Yuusuf waxaana ka mid ah dadka ku sawiran bogaas oo
Madaxweynaha dhaliilaha u jeedinaya rag iska waayay Golaha
Wasiirada kol horena daacad u ahaan jireen Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf sida Xildhibaan Qaalid iyo C/llaahi Sheekh Ismaaciil.
Geeddi oo rajo ka qaba
in mar kale Siyaasadda ku soo Laabto maadama 3 sano oo uu
Maamulayay Siyaasadda Dowladda ku fashilmay Maamulkiisa inuu
hanto Kalsoonida Shacabka ayaa waxaa uu doonayaa in mar kale
ku soo laabto Loolanka Siyaasadeed ee dalka gaar ahaan
Sanadka 2009-ka oo ah waqtiga ay ku egtahay Dowladda
Federaalka.
Siyaasiyiinta taageersan
in Geeddi dib u soo laabto ayaa waxaa ka mid ah Maxamed
Qanyare, C/llaahi Sheekh Ismaaciil, C/kariin Faarax Laqanyo
iyo xubno kale.
Geeddi intii uu Ra’iisal
Wasaaraha ahaa waxyaabaha kalsoonida Shacabka ku waayay
waxaa ka mid ah dagaalada iyo duqeynta aan kala reebka
lahayn ee loo geystay dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho.
Geeddi oo Magaalada
Nairobi ka iibsaday Guri uu lahaa hoggaamiyihii geeriyooday
ee mucaaradka dalka Suudaan John
Garang,
waxaa uu sidoo kale sameeyay arrin dad badan ka yaabisay oo
ah inuu Nairobi ku qabtay Arooska Wiilkiisa oo toddobaad
socday kaas oo ku baxay qarash fara badan xilli dadka
Soomaaliyed u dhaxeeyeen Macluul, dhimasho iyo gaajo.
Sidoo kale Xildhibaan
Cali Maxmed Geeddi dhawaan ayuu guri ka iibsaday Magaalada
Los Angeles ee Cariga Mareykanka sida lagu soo bandhigay
Warbaahinta Calaamka.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |