Xoghayaha Guud
ee Qaramada Midoobay oo Golaha amaanka Hor dhigay Warbixin
ku saabsan Dalka Soomaaliya.
(New York, March
19,
2008 Ceegaag Online)
Xoghaya guud ee Qaramada midoobay Ban ki Moon ayaa u
Gudbiyay Golaha amaanka ee Qaramada midoobay warbixin ay
soo diyaariyeen gudi gaara oo xaqiiqo raadin ah.oo dhawaan
yimid Dalka Soomaaliya.
Xoghayaha
Guud ayaa dhawaan laga dalbaday inuu Golaha amaanka horgeeyo
xaalada ka siidaraysa ee ka jirta Dalka Soomaaliya,
islamarkaana ay uga qeyb qaataan geedi socodka Nabada
Soomaaliya.
Sidoo kale in Gudiga ayaa qiimayn ku sameeyay qaabka ugu
haboon ee dalka loo keeni karo ciidamo ka socda Qaramada
Midoobay oo badelaya kuwa nabad ilaalinta midowga Afrika
AMISOM ee hadda ku sugan Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.
Ban Ki Moon, ayaa shaaciyay in Qarammada Midoobay ay
damacsan tahay inay 28-kun oo askar caalami ah lageeyo
gudaha Somalia si ay nabadda u sugaan, islamarkaana meesha
ka saaraan Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Midowga Africa ee
jooga Gudaha Somalia.
Xogyaha Guuda ayaa sheegay in loo baahan yahay in 28000- oo
askari oo caalami ah si deg deg ah loo geeyo Soomaaliya,
isla markaana ka shaqeeya nabadda isagoona xusay in Ciidanka
AMISOM ee nabad ilaalinta la kordhin doono si ay u sii
xoojiyaan howlaha nabad ilaalinta ay ka wadaan Gudaha
Soomaaliya.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |