shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

11 qof ayaa ku dhimatay 20-kale na waa ay ku dhaawacmeen dagaal galabta ka dhacay Degmada Wardhiigley

(Muqdisho, May 09,  2008 Ceegaag Online)

Inta la ogyahay 11 ruux oo dhamaantood ay yihiin dad tayid ah ayaa ku dhintay 20-kale na waa ay ku dhaawacmeen kadib dagaal faraha looga gubtay oo galabta ka dhacay Isgoyska Wardhiigley ee Magaalada Muqdisho.

Dagaalkan oo ka dhacay agagaarka Isgoyska ilaa iyo Xaafadda Xararyaale isla degmada Wardhiigley ayaa waxaa uu u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda oo gacan ka helayay Ciidamada Itoobiya iyo kooxaha ka horjeeda ee Dagaalada ka wada dalka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ay adeegsadeen hubka loo yaqaano hoobiyaha kaas oo dad badan laayay galabta, xaafadda xararyaale ayaa inta badan ku dhacay hubkaas.

Dadka ku dhaawacmay dagaalkan waxay u badan yihiin caruur yar yar iyadoo Guri ka mid ah dhismayaasha ku yaala agagaarka Gaad Jacayl ayaa waxaa ku dhacay qoriga Hoobiyaha loo yaqaano, wuxuuna sababay dhimashada labo Caruur ah iyo hooyadii dhashay.

Xalaadda ayaa caawa degan ma jiraan wax isu socod ah oo dadka degaanka dhex marayay, iyadoo dagaalku uu saameeyay xaafadaha Siinay iyo Boondheere.

Lama oga khasaaraha soo kala gaaray labada dhinaca ee dagaalka u dhaxeeyay, waxaase laga war hayaa in dhinacyada dagaalamayay ay adeegsadeen hub culus.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com