shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

12-Qof oo Soomaali ah ayaa Xabsiga loo Taxaabey dalka South Africa.

(Johannesburg, May 14,  2008 Ceegaag Online) 

Ciidanka Police-ka  dalkan Koonfur Africa gaar ahaan kuwa Magalaada P.E ayaa xabsiga u taxaabay 12 qof oo Soomaali kuwaas oo qaarkood lagu qabtay hub sharci daro ah, tani waxay timid kadib dagaal gacan ka hadal ah oo dhexmaray rag soomaali ah oo isku heystey dukaan meel laga furey.

waxaa dhacday in Dukaan nin madow ah uu lahaa oo uu lawareegay ninkale oo Soomali ah, Dukaanka ayaa waxaa kasocday intii mudda aheedba muran la xiriira  furitaankiisa maadama uu dukaanku la wareegay nin Soomaali ah, Ayadoo sharciga u yaalo   tuulada uu dukaanka ka furanyahay ay tahay in aan dukaan cusub laga furi Karin si kasataba ha ahaatee laakiin la kala iibsan karo dukaamo hadii ay dhacdo in dukaan lakala iibsado.

Soomalida oo aanan inta badan daneyn dukaamada ay leeyihin dadka madowga ah ayaa ayaga dhexdooda waxaa aad moodaa inay isku u garsanayaan si cadaawad kudheehantahay, Abaarihii xalay markii ay saacadu aheed 11:00 habeenimo ayaa waxaa soo weeraray Dukaankii cusbaa ee ninka Soomaaliga ah uu lawareegay Soomaali kale oo aanan looga baran in ay dhexdooda isku geestaan dil iyo boob.

wiilka dukaanka joogay ayaa waxaa lagu amray in uu dukaanka iskaga dhex baxo kadibna wiilkii ayaa qaadan waayay Soomaalida kale ee weerarka ku ah muran badan kadib waxaa la isula tagay gacan iyo toori in la isula soobaxo wilkii oo meel ku ogaa qori ayaa waxaa uu iskudayay inuu ka baxsado nimankii duulaanka ahaa isla daqiiqadii gudahooda ayaa waxaa uu kusoo laabtay asagoo Bostoolada gacanta kusito kadibna xabad huwiyay kuwii dukaanka joogay.

Nasiib wanaagse ma aysan haleelin dadkii qof kamid ah waxaase meeshii ka dhacay dagaal xun oo dhexmaray Umaddii qaxootiga ku ahayd wadanka aysan laheen oo ay layaabeen dadkii madowga ahaa kadibna dhalisay shaki iyo layaab ku kaliftay in ay Police-ka Gobalka dhahaan waxaa is dilo waa Soomaalida oo dadka wadaniga ah waxba ma taabtaan dadka Ajaanibta ah ayaga ayaa islaayo.  
Taasina waa mid lala yaabo oo amakaag kunoqotay inta wanaagsan ee umadda Soomaaliyeed ee qaxootiga ku ah ayadoo meeshii ay ka dhexeen toori iyo dhib yaryar oo aan sidaas usii buurneen.
 
Mar aan wax kaweydiiyay qof goob jog ahaa ayaa wuxuu ii sheegay in dhibka uu ka dambeeyay heshiis horay loo gaaray oo uu buriyay ninka dukaanka iibsaday.Sidoo kale Wareysi uu siiyay Gudoomiye kuxigeenka Jaaliyadda Soomaaliyed ee Gobolka Eastern cape mudane C/raxmaan Raabi oo sheegay in khilaafaadka dadka soomaaliyeed la aadaan Culumadda Soomaaliyeed iyo odayaasha dhaqanka laguna kala saaro shareecadda Islaamka.

Si kastaba ha ahaatee  mahan markii ugu horeysay ee falal ceenkaan oo kale ay ka dhacaan guud ahaan dalka Koonfur Africa waa wax caado ka ah in a is ku qabsado dukaamo oo ey isku qabsadaan dadka soomaalida dhexdooda waana Arrin Foolxun dhiibaato weyna u hoorseedi karta soomaalida kale  ku dhaqan guud ahaan dalkan Koonfur Africa.

Hassan Yeey

Johannesburg, South Africa

yeey18@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com