shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

3-ka mid ah Askarta Ethiopia ayaa ku geeriyootay qarax iyo dagaal ka dhacay Isgoyska Telefishinka ee degmada Yaaqshid.

(Muqdisho, May 04,  2008 Ceegaag Online)

Inta la og yahay Saddax askari oo Ethiopian ah ayaa ku dhintay qarax iyo dagaal ka dambeeyey oo ka dhacay xaafadda Towfiiq gaar ahaan isgoyska Towfiiq degmada Yaaqshid ee magaalada Muqdisho.

Ciidamo Ethiopian ah ayaa markii hore la sheegay in lala beegsaday qarax xooggan oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso, waxaana qaraxa dabadiis halkaasi ka bilowday iska horimaad u dhexeeya ciidamada
Ethiopia iyo kooxaha ka horjeeda kaas oo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Iska horimaadka ayaa dadka deegaanku ay sheegeen in uu dhashay markii weerar lagu qaaday kolonyo ciidamada Ethiopia ah oo ka soo baxay garoonka ciyaaraha kuna sii jeeday xarunta warshadda Baastada oo kamid ah xarumaha ay ciidamada Ethiopia saldhigyada ciidan ku leeyhiin.

Iska horimaadka oo muddo socday ayey dadka deegaanku sheegeen in uu saameyn xooggan ku yeeshay dhinacyada isu socodka iyo ganacsiga suuqa deegaanka Towfiiq oo kaabiga ku haya halka lagu dagaalamay.

Wararka qaar ayaa sheegay in qaraxii lala eegtay ciidamada
Ethiopia lagu waxyeeleeyey gaari Ural ah oo ay lahaayeen ciidamada Ethiopia kaas oo warar aan la xaqiijin ay sheegayan in qaraxu uu gebi ahaanba baabi'iyey.

iska horimaadkaan ayaa ku soo beegmaya xilli kooxaha ka horjeeda ciidamada
Ethiopia ay weerar ku qaadeen shalay xarunta warshadda Baastada halkaas oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidamada Ethiopia ay ku leeyihin degmada Hurwaa.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

 

  

webmaster@ceegaag.com