3 Ardey oo
Muslim ah oo Jaamacadd ku taala Dalka Ethiopia looga eryay
markii la ogaadey inay Qur’aan Akhristaan.
(Maqale, May 17,
2008 Ceegaag Online)
Saddex
ardey oo Muslim ah waxna ka baranayay Jaamacad ku taalla
Magaalada Maqalle ee Da;lka Ethiopia ayaa laga eryay
Jaamacadii ay dhiganayeen kadib markii la ogaadey inay
akhristaan Qur’aanka Kariimka.
Saddexdan ardey waxaa lagu dacweeyey in ay Qur’aanka qaarna
dhageystaan qaarna ay akhristaan kadib markii ay gabadh
dhulka xaaqda aragtey iyagoo midkood dhagaha Phone ku
dhageysanaya, labada kale kitaab Qur’aan ah oo Axmaari ku
tarjuman lagu arkey Jeebkooda, Dacwadii kadib waxay
Jaamacadii Maqalle University go’aansatey inay wiilashaas
erido.
Waxaan aad ugu Mahadcelinaynaa Akhriste isku sheegey
Magaciisa daacad oo
noo soo turjumey warqaddan kana dhigey Soomaali.
Jaamacadda Maqale
Xafiiska Horjoogaha/Deanka Ardayda
Tix. TMD0378/2000
Taariikh:
23/07/2000
Ku: Ismaaciil Taadhase
ARWS
Ibraahin Xuseen
NREM
Maxamad Yuusuf
NREM
Ujeeddo: Ka joojin Waxbarasho
Waxaa la ogsoonyahay in ardayda kor magacyadiina lagu xusay
la idinku helay idinkoo ku howlan arrimo diimeed fasalada
wax lagu barto dhexdooda. Maadaama arrintani ay ka hor
imaanayso xeerka jaamacadda u yaalla waxaan idiin sheegayaa
in muddo hal sano ah la idinka joojiyay waxbarashada.
Sidaa daraadeed, waxaan si adag idiin ogaysiinayaa inaad soo
celisaan
wixii alaab ah ee jaamacaddu iska leedahay ee gacmihiina ku
jira, ugana
baxdaan xerada jaamacadda sida ugu dhaqsaha badan.
Tixgalin,
Horjoogaha/Deanka Ardayda
Saxeex iyo shaabbad
Yamaane Zarcay
Ogaysiin:
Xafiiska Madaxweynaha
Xafiiska Akadamiyada iyo cilmibaadhista
Xafiiska Maamulka iyo Hor. Ku Xig Madax weynaha
Xafiiska Barnaamijyada Ku Xig Madax weynaha
Xafiiska Dhexe ee Diiwaangalinta
Xafiiska Ku xig. Deanka
Kuliyadda Beeraha Dhul-abaareedka
Waaxda ARWS
Waaxda NREM
Ilaaliyayaasha Jaamacadda
Golaha Ardayda
Dhammaan
Ardayda Jaamacadda
Halkan ka akhri warqaddii lagu eryay wiilasha oo Af Axmaari
ku qoran
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |