3 qof oo uu ku
jiro guddoomiyihii degmada Guriceel oo ay kooxo ku hubeysnaa
Dhaawaceen.
(Guri-ceel, May
25,
2008 Ceegaag Online)
Saddex qof oo uu ku jiro
guddoomiyihii degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa
shalay maqribkii kooxo la sheegay in ay ku hubeysnaayeen
bastoolado waxa ay ku dhaawaceen magaalada Dhuusamareeb ee
xarunta gobolka Galgaduud.
Ragga hubeysan ayaa la
sheegay in ay soo beegsadeen goob lagu shaaho oo ay ku
ugnaayeen Nabadoon caan ka ah gobolka Galgaduud iyo
guddoomiyaha degmada Guriceel iyagoona rasaas ku furay
halkaas oo dhaawacyo ay ka soo gaareen seddaxda nin.
Dhaawacyada labo qof oo mid uu yahay guddoomiyaha degmada
Guriceel Cali Sheekh oo la sheegay in ay aad halis u
ahaayeen ayaa loola soo cararay isbitaalka Istarliin ee
degmada Guriceel halkaas oo lagu dabiibayo.
Wararka saakay laga helayo
degmada Guriceel ayaa sheegaya in xaaladda caafimaad ee
guddoomiyaha degmada Guriceel iyo raggii lala dhaawacay ay
ka soo reyneyso islamarkaana iminka ay xoogaa bogsadeen.
Lama oga ujeedada ka
dambeysa in kooxo hubeysan ay beegsadaan waxgarad iyo
guddoomiyaha degmada Guriceel oo goob wada joogay, hase
ahaatee dadka deegaanka ayaa falkaasi ku tilmaamay mid lagu
abuurayo qalqal.
Bartamaha isbuucii hore
ayey aheyd marrkii sidaan oo kale rag bastoolado ku
hubeysnaa ay toogasho ku dileen nin darawal u ahaa hay'adda
ICRC ee ka howlgasha gobolka Galgaduud gaar ahaan xarunteeda
magaalada Dhuusamareeb.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |