4-qof oo mid uu
yahay askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda oo ku dhaawacmay
qarax ka dhacay suuq Bacaad.
(Muqdisho, May 03,
2008 Ceegaag Online)
4-qof oo mid uu yahay
askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa ku dhaawacmay qarax
lagu weeraray goob ay ciidamada dowladdu fariisin ku
leeyihiin oo ku taala suuqa labaad ee ugu weyn magaalada
Muqdisho ee suuq Bacaad.
Bam noociisu ahaa kuwa
gacanta laga tuuro ayaa kooxo hubeysan ay ku weerareen
laanta Horseed oo ku taala suuq Bacaad saldhigna u ah
ciidamo ka tirsan kuwa dowladda, iyadoo qaraxaas kadib ay
ciidamada dowladdu fureen tacshiirad.
Xaaladda suuqa ayaa mar
kaliya noqotay mid kacsan, waxaana guud ahaan albaabada loo
laabay goobihii ganacsiga ee suuqa, iyadoo ciidamo ka tirsan
dowladda ay soo dhoobteen waddooyinka suuqaasi.
Dadka ku dhaawacmay
qaraxa iyo tacshiiradii xigtay ayaa wararku sheegayan in
loola cararay goobaha caafimaadka, iyadoo qaar kamid ah
dadkaas xaaladooda caafimaad laga deyrinayo.
Laanta ciidamada Horseed ee ku taala ayna ku sugan yihiin
ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa maalmihii ugu dambeeyey
si joogto ah ay kooxo hubeysan waxa ay ugu weeraraan qaraxyo
mararka qaar ay wehliyaan tacshiirado sababa dhimasho iyo
dhaawac.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |