7 nin oo ka mid ah Rag shalay
laga qab-qabtay Gaalkacyo oo la sheegay in ay ka tirsan
yihiin ONLF oo loo dhiibay Itoobiya
(Gaalkacyo, May
02,
2008 Ceegaag Online)
7 Xubnood oo la sheegay
in ay ka tirsanyihiin Jabhadda ONLF ayaa abaare 03:50 salaad
subax ka hor waxaa loo gudbiyay dhinaca Itoobiya iyaga oo la
marsiiyay Magaalada Gal-Dogob ee Gobolka Mudug ka dib markii
shalay galinkii dambe laga qab-qabtay waqooyiga Magaalada
GaalKacyo ee isla Gobolkaasi.
Xubnahan la gudbiyay ayaa magacyadooda lagu sheegay:-
1) C/Nuur Siyaad
Ismaaciil
2) Cabdi Yare Haybe
3) Kaabul
4) Cumar Sh. Maxamed.
5) Faarax Good
6. Asad Cabsiiye
7. Dhuxul Guhaad Aadan
Faarax
Waxaana la sheegayaa in lagu waday 3 gaari oo Land Cruiser
ah isla markaana laga gudbiyay Magaalada Gal-Dogob ee
Gobolka Mudug loona gudbiyay dhinaca Wardheer ee Ismaamulka
Deegaanka Soomaalida Ethiopia.
2 nin oo shalay galinkii danbe ragani lala qabtay ayaa la
sheegayaa in la sii daayay balse illaa iyo hadda lama sheegi
karo halka ay ku sugan yihiin iyo in ay xubno kale la
socdaan.
Waxaa la sheegayaa in xubno badan oo ka tirsan Ururka ONLF
ay badbaadeen ka dib markii ay dadka deegaanka ka qariyeen
Ciidamada isugu jira kuwa Maamulka Puntland iyo Ciidamo
Ethiopian ah.
Shalay galinkii dambe ayay ahayd markii ciidamo isugu jira
itoobiyaan iyo kuwa Maamulka Puntland oo wata 3 gawaari oo
Surf (roneyd) ah kana yimid dhinaca Garoowe ee Caasimada
Maamul Goboleedka Puntland ay qab-qabteen 7 xubnood ay ka
mid ahaayeen kuwaas oo la sheegay in ay ka tirsan yihiin
Jabhadda ONLF.
Kililka 5aad ayaa guud ahaanba waxa ka jira dareen guud oo
la xiriira arintani uu maamulka Puntland ugu gacan galinayo
ragga Soomaaliyeed gumeysiga Itoobiya, iyada oo dadka badana
ay la yaabanyihiin mashruucani isla markaana ka cabsi qaba
in xaaladu si kale isu badasho haddii waxgaradku si buuxda
oo deg deg ahi ugu istaagin ka hor taggeeda iyo xallinteeda
intaba.
28 bishii la soo dhaafay ayay ahayd markii ay si kulul uga
hadleen falkii kan ka horeeyay ee uu Maamulka Puntland ugu
gacan galiyay Itoobiya xubno ka mid ah ONLF Isimada,
culimada, ganacsatada,aqoonyahanada iyo waxgaradka Gobolka
Bari kuwaas oo Bayaan canbaareyn ahi ka soo saaray isla
markaana ku tilmaamay mid meel ka dhac iyo gaboodfal ku ah
dadweynaha Puntland iyadoo khilaafsan bay yiraahdeen
dhaqanka iyo caadada lagu yaqaanay.
Maamulka Puntland ayaa u muuqda maalinba maalinta ka
dambeysa mid ku sii adkaynaya heshiiska uu kula jiro
gumeysiga Itoobiya ee ah qab-qabashada xubnaha Ururka ONLF.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |