shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ciidamada Ethiopia ayaa maanta baaritaano saf mareen ah waxa ay ka fulinayaa deegaano badan oo ka tirsan degmada Yaaqshid.

(Muqdisho, May 15,  2008 Ceegaag Online)

Ciidamo aad u fara badan oo Ethiopian ah ayaa saakay isku fidiyey deegaanadaas kuwaas oo durba howlo baaritaano ah ka bilaabay xaafadaha iyo waddooyinka muhiimka ah, waxaana ciidamadaan oo aad u hubeysan ay si feejignaan ah u wadeen baaritaano xoogga.

Wararka laga helayo deegaanka Towfiiq ayaa sheegaya in ciidamada Ethiopia ay masjid ku yaala deegaankaas ka qabqabteen seddax nin oo mid la sheegay in uu ahaa sheekh si weyn deegaankaas looga yaqaan kuwaas oo weli ku jira gacanta ciidamada Ethiopia.

Guud ahaan goobihii ganacsiga deegaanadaas ayaa iridaha loo laabay iyadoo dadka badankii ay isaga carareen deegaanadooda iyagoo ka cabsi qaba waxyeelo ay u geystaan ciidamada Ethiopia.

Si dhab ah looma oga ujeedada ka dambeysa in ciidamada
Ethiopia ay saakay baaritaano saf mareen ah ka fuliyaan deegaanadaas, hase ahaatee warar qaar ayaa sheegaya in baaritaanadan ay salka ku hayaan qaraxyo iyo tacshiirado xalay lala beegsaday ciidamada Ethiopia ee fariisinka ku leh xarunta Somali Post oo ku dhow isgoyska Towfiiq.

Si kastaba ha ahaatee baaritaankan ay maanta ciidamada
Ethiopia ka sameynayaan deegaanadaas ayaa ah mid kamid ah baaritaanadii ugu xooganaa oo ay ciidamada Ethiopia ka sameeyaan qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com