Qaramada
Midoobay oo Sheegtay in Dalka Somalia uu ku sii qul qulayo
Hub Sharci daro ah.
(New York, May 23,
2008 Ceegaag Online)
Qaramada Midoobay ayaa Sheegtay in Wadanka Somalia uu ku sii
Qul qulayo Hub sharci daro ah Xili ay Somalia ay Ka jiraan
Dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Ethiopia oo garab siinaya kuwa
Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kooxaha Ka soo horjeeda.
Safiirka
Dalka Koonfur Africa ufadhiya Golaha Amaanka ee Qaramada
Midoobay Dumisani Kumalo ayaa Sheegay in Wadanka Somalia uu
ku sii qul qulayo hub Sharci daro ah kaasi oo uu ku sheegay
in uu yahay mid Ganacsi ah oo ay wataan kooxo uu ku sheegay
in yihiin qab qablayaal dagaal oo ku sugan wadanka somalia.
Dumisani
Kumalo oo isagu Shir gudoominayay shir Golaha Amaanka ee
Qaramada Midoobay oo habeenkii Xalay ahaa ay yeesheen ayaa
waxa uu sheeegay in Qabiirada Qaramada Midoobay ay soo gaba
gabeeyeen Arimo ku saabsab Somalia isla markaana ay ogaadeen
in Taliyaal Meniteri oo iyagu Magacooda qarsanaya ay Wadanka
Somalia hub sharci daro ah ay ku soo wadaan.
Safiirka
Koonfur Africa ee Qaramada Midoobay Mr. Dumisani Kumalo ayaa
waxa uu Golaha Amaanka u Sheegay in kooxda kor meerays hubka
Somalia oo iminka eegaya Cuna Qabataynta Somalia ee 1992 la
saaray ay Sawir guud Ka Soo bixiyaan xaalda Somalia.
Qaramada
Midoobay Waxa ay sheegtay in joogitaanka gudaha wadanka
Somalia ee Ciidamada Ethiopia ay jabinayso Cunaqabatayntii
hubka ee lasaaray wadanka Somalia iyo sidoo kale kooxaha
kasoo horjeeda Dowlada Federaalka Soomaaliya.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |