Iidka duula iyo Xaalada Soomaaliya
(Somalia, May
22,
2008 Ceegaag Online)
Qoraalkani waa qoraal maldahan, waxaana ku cabbiran xaalada dhabta ah ee Soomaaliya iyo dunidaba. Inkastoon farta jiifta (italic) aan meelaha muhiimka ah u doortay, haddana waxaa qofka akhrista ah ku adkaanaysa inuu magacyada qaar (kuwaaas oo iyaguna ku qoran far jiifta) garto, oo uu dhinac uu u qaado arki waayo. Sidaas awgeed, halkan hoose (inta aananu guda gelin qoraalka) waxaa ah dhawr magac iyo ujeedada laga leeyahay:
Dr. Asu—USA
Niatirb—Britain
Bara—Arab
Mr. Qari—Iraq
Ishabax—Xabashi
Beerta—Dalka Somalia
Qaraaafiil—Dawlada Kumeelgaarka ah
Akhris Wacan,
Dr. Asu waa aqoon yahan cilmiga sayniska aan cidina kula loolami karin. Waa nin lacagtu dhinac walba ka taalo oo haddana garasho badan, balse damaaci ah. Dr. Asu aabihii, oo la odhan jirey Niatirb, waxa uu mar ahaan jiray ninka ugu taajirsan dunida; waxa uuna askumay warshado wax soo saarkoodu munaafacaad badani ku jiraan.
Muddo gaaban horaanteed, Dr. Asu iyo aabihii, Niatirb, waxaa dhex maray goolaaftan weyn oo dhinaca maamulka ah. Waxaana ugu dambayntii guulaystay Dr. Asu, oo isagu xaq ku taagnaa, rabayna inaanu aabihii—oo uu kala kulmay dhibaatooyin xoogan—dusha ka haysan oo uu isagu dhulka uu deganyahay u tashanayo. Niatirb, isaga oo aad u madluunsan, kana walwalayay cunugiisan liciifka ah ee taladiisa ka madax diidayay ayuu meeshii uu daganaa iskaga laabtay, waxa uuna ku talo galay gacanqabashada wiilkiisa. Dr. Asu isagu cidina ma daneyne, dhulkii looga cararay ayuu aqalo ka qotamiyay. Waxa uuna samaystay hogaan culus oo uu dhidibada u aasay.
Xidhiidhka Dr. Asu iyo aabihii, Niatirb sidaa kuma kala go’in, balse xiliba xiliga kadambaysa xidada buurbuuran ayuu la soo baxay—daciif haba iska ahaadee. Xidhiidhkoodaas wali daciifka ah waxa uu Dr. Asu ku soo siyaadiyay in uu aabihii kaga horrumaro—baratan dheer oo uu u galay kadib—dhinaca warshadaha, maadaama oo uu dhul aad u balaadhan haystay, khayraad dabiici ahina dhulkiisu afka ka joogay. [Iyo dee “laga bartaa laga badiyaa.”] Dr. Asu, dhaqaalihii wadankii uu samaystay ayaa cirka isku shareeray, waxa uuna qarniyo kadib noqday, ninka ugu caansan ee dunida ku nool.
“Nimco waliba nusqaan lehe,” Dr. Asu waxaa ka saa’id caleeyay caqligiisii gaabnaa ee uu awelba ku raacay ka goosashada aabihii. Waxa uuna bilaabay olole hor leh oo uu rabo in uu ku soo xaabsado khayraad dabiici ah oo deegaano kale oo dinada kamid ah loogu sheegay. Waxaa uu Dr. Asu is-tusay in haddaanu wakhtiga uu tamarta hayo waxba ka keydsan dunidan wada dhalaalaysa, hadhowtii cidla soo istaagi doono, illeen waa nin godoba badan ka galay daafaha dunidane.
Maalmo ka hor, Dr. Asu waxaa uu diirada u rogtay deegaanno ka tirsan jasiirad layidhaahdo, Bara, taas oo uu saliid ku ogaa. Jasiiradda Bara waxaa dagan dad carab ah oo iyagu—dhexdoodu—dantooda ka horeysiiya danta dariskooda, dulina inay laasimaan diyaar u ah. Dr. Asu markii uu si wacan ugu kuur galay dammanayaashaas, ayuu nin layidhaahdo, Mr. Qari—oo geesiga Jasiirada Bara lahayd ahaa—si’ gooniya isha u la raacday. Waxaa uu Dr. Asu garwaaqsadey inaanu marnaba ninkan, Mr. Qari ah ku dhici karin, oo uu markaa u baahanyahay garab ninka la qudhgooya. Sidaa awgeed, waxaa uu Dr. Asu gurmad u doontay saaxiibayaashiisii waligiiba lagarabka ahaa oo Reer Yurubku u badanyihiin. Raggaas ayuu balo ku akhriyay, waxa uuna ka wada yeedhsiiyay inay daba dhilif u yihiin, mar haddii Mr. Qari dhulgariir loo dalbanayo—sidaasna dantooda ayaa ugu jirtay oo luf-luf aanay habeenna ku seexan ayaa looga balan qaaday. Waxa uu abaabulkaas waalan iska wataba, maalintii dambe, Dr. Asu, waxa uu u soo babac dhigtay Mr. Qari.
Dr. Asu—waa xeeladiis e—waxa uu bilaabay af-lagaado iyo cay hor leh oo uu u soo jeedinayay Mr. Qari, waxa uuna dadka gaadhsiinayay in ninkanu khatar dunida ku yahay, si’uu dadweynaha caalamka dhiniciisa ugu soo duwdo. Waxay dhaleecooyooyinkaa muddo socdaan, intaana Mr. Qari ilaalo hubka ka xayuubisa dul joogto, ayuu Dr. Asu diirka ka qaaday in uu Mr. Qari hawada ka qarinayo. Dr. Asu isaga oon cidina dhag u dhigin ayuu hadh cad deegaankii Mr. Qari galay. Mr. Qari ayaa isagu muujiyay geesinimadii lagu yiqiinay oo dagaal shaaximan u soo xay-xaytay, balse cadawga oo aad u xoog badan ayaa—awowgii la gub!—ma quuste ahaa oo saliid uuni u cadayd, wixii ka hor istaagana cagta mariyay. Halkaana waxaa Dr. Asu ugu hir galey hadafkii uu in badan ku taamayay.
Sidaa kuma aanun damin nabarkii uu Dr. Asu ka jeexay deegaankii Mr. Qari, oo waxaa booskii Mr. Qari buuxiyay rag indha duuban, oo askartii Dr. Asu kaadida ku dhajiyay. Dr. Asu markaa isaga oo kabna laalaadinaya midna ilkaha ku sita ayuu waxa uu galay ragg libaaxyo ah sabodood, waxayna naftu ku qasabtay inuu ku hadaaqtamo, “War halkeen baan ka baxaa?” Waa waxaas wajaqan e, Dr. Asu, waxay naftu u geesay inuu deegaan dad madow ahi ku dhaqanyihiin saldhigyo ka samaysto, halkaana bal neeftuurka iskaga biiyo. Dr. Asu, waa wax faduul badane, isaga oon nasan ayuu is garadsiiyay inuu bal deegaankan dadka madawga ahi ku noolyihiin yara marmaro. Dr. Asu waxa uu u dhaqaaqay daanta Qaqooyi, waxa uuna halkaa kula kulmay dad macluuli dubatay. Dantiis uma oolin meeshaas e, socdaalkiisii ayuu sii watay. Dadkii markii uu araggiisii ka sii libdhayo ayuu sheeda ka arkay nin meel cidla ah taagan, oo hortiisuna beer—dhinacna abaar ka ah dhinacna barwaaqo la cufantay—uga taalo. Dr. Asu, waxa uu markii uu ninkii u soo dhawaaday arkay in ninku beerta ku dhici kari la’yahay, oo uu marwaliba uu ku sii jeedo ka soo jeesanayo. Dr. Asu, intuu dhahay “Ah yaa miskiin,” ayuu ninkii dhiniciisii u dhaqaaqay.
Markii uu Dr. Asu ninkii soo dul joogsaday ayuu waraystay, waxa uuna ka war dalbey ninka bal in deegaanka iyo meeshan uu marayo u sheego. Ninkii ayaa isagu ugu jawaabay:
“Meeshan aanu imika taagannahay waa deegaankayga. Waxaan doonayaa beertan dariskayga ah in aan midhaha ku yaala soo goosto. Waa igu dhib oo beerta ma geli karo, sababta oo ah, waxaa dhulka oo dhan daadsan qodxo,. Waanad aragtaa inaan imika kabo la’ahay. Ta’ labaad waxaa beerta gudaheeda la iigu sheegay yaaquut…”
Dr. Asu markii uu maqlay “yaaquut” ayuu ninkiiba waxa uu lahaa dhagba u dhigi waayay. Waxaana maskaxdiisa soo hadheesay inuu beertaa hantiyo, wixii halkaa ka soo dhex weerarana uu gacan adag isaga qabto. Si kadis ah ayuu Dr. Asu riyadii—uu yara dhex dabaalanayay—uga booday, waxa uuna dhagta u dhigay ninkii oo hadalkiisii sii wata.
“…wax waliba beertan waa laga helaa. Ta’ ugu muhiimsan ayaa ah inay jirto hal wado oo qudhaata oo beerta lagu geli karo…”
Dr. Asu ayaa ninkii hadalka ka soo kala dhex galay, waxa uuna isla markiiba weydiiyay, “Wadada qudhaata ahi waa tuma?”
Ninkii inta uu qoslay ayuu ugu jawaabay, “Waxaa jira Qaraafiilo aannu saaxiib nahay. Iyaga ayaan gashtaa beerta marka aan rabo inaan dhex galo. Balse nasiib daro, ayaamahan Qaraafiilihii xanuun ba’an ayaa u yimid oo ma arko badanaa. Ta’ kale, Qaraafiilahan oo qudhaata ah ayaa beerta lagu geli karaa!”
“Qaraafiilahaa raadi. Illaa sadex cisho ayaan ku sugi karaa. Marka aad soo hesho ila soo socodsii—oo magacaaga iimaadan sheegine.” Ayuu Dr. Asu yidhi.
“Magacayga waxaa la dhahaa, Ishabax. Adiguna?”
“Dr. Asu, waxaad iigu yeedhi kartaa ‘The Doctor.’”
Dr. Asu iyo Ishabax oo halkii taagan ayay Qaraafiilihii—wax ka dhago dheer—soo dul istaageen, waxayna sheegeen inay baa bi’inta beertooda diyaar u yihiin—illeen badalkeed waxay helayaan magac iyo lacag intaba e. Waaba sidii la rabaye, waxaa Qaraafiilihii isku dayey oo markiiba cagtiisa gashaday, Dr. Asu. Balse Qaraafiilihii ayaa cawday oo sheegtay in ninkan caddi beerta laga dhex garan doono, sidaa awgeed inuu iska joogo meelihiisan ayay Dr. Asu fareen. Ishabax ayaa sidaa Qaraafiilihii ku raacay, waxa uuna sii raaciyay, “War waa runtood. Meesha waxaa ku jira wixii dhiig miirato ahaa, markaa waad iska castahay, anaga meesha noodaa.”
“Waa runtaa, Ishabaxow. Mid uun baan beertan galideeda uga joogayaa, taasina waa in aan dhawranayo shaadhkii dahabka ahaa ee aan Mr. Qari ka toshay, kolay waan ogahay raggii duubabka weynaa inay halkana iiga horeeyaane! Markaa adigu meesha ii soo sifee horta!” Dr. Asu ayaa isaga oo sii sagootinaya Ishabax u sheegay. Waxa uuna u sii il jebiyay Ishabax, si’uu ugu sii muujiyo inaanu beerta ka soo hoyan illaa uu soo xoraysto. Waxa uuna sii raaciyay, “Cirka ayaan qallajiso kaga keenayaa haddii aan arko inaad biyahaa beerta ku hafatay.” Sidaa uu sheegay Dr. Asu ayaa ka dhab ahayd, waxa uuna beertii meelihii ay ka noolayd dusha kaga camiray qalab sifadiisii lagaran waayey, kadib markii uu Ishabax naftiisii ula yaabay. Ishabax garabkaa sare ee lasiiyay awgeed, beertii ayuu daafa walba ka burburiyay, isaga oo waliba Qaraafiilihii baryayaan inuu sii gashanaado.
Balse su’aasha hadhay ayaa ah: Goorma ayay beertani madhan doontaa?
Qormadii: Idka
Duula ee Daruuraha Raaca.
iidkaduula@yahoo.com
Boston, USA
webmaster@ceegaag.com |