Burcad Badeed
Soomaali ah oo Maraakiib Hor leh ku Afduubatay Xeebaha
Somalia.
(Somalia, May 30,
2008 Ceegaag Online)
Kooxaha Burcad badeedka Soomaaliya ayaa u muuqanaya kuwo sii
baahaya oo awoodoodana sii kordheysa, marka loo eego
afduubashada joogtada ah ee ay ku hayaan Maraakiibta
Shisheeyaha.
Kooxaha Burcad badeedka ayaa Labo Markab waxay ka afduubteen
Xeebaha gacanka cadmeed, waxaana Maraakiibtaas ilaa iyo
iminka la ogeyn halka ay la aadeen.
Labada Markab ee la afduubtay waxaa mid ka mid ah laga
leeyahay Dalka Jarmalka oo sarkaal u hadlay uu sheegay in
Burcad Badeed Soomaaliyeed ay afduubteen markab ka diiwaan
gashan Dalka Germany.
Sidoo kale Markab laga leeyahay Dalka Turkiga ayaa isna la
sheegay in lagu afduubtay meel u dhow Xeebaha Soomaaliya,
waxaana kooxaha afduubtay lagu tilmaamay in ay ahaayen kuwo
xirfadeysan oo rasaas xoog leh la dhacay markabka ka hor
inta aysan afduuban.
Dhibaatada Kooxaha Burcad badeedka waa sii xoogeysaneysaa,
mana muuqato tallaabooyin haatan looga hortagay, waxaana
todobaadkan ay afduubteen Markab laga leeyahay Dalka
Holland, kaas oo lagu heysto Xeebaha Koonfureed ee Dalka
Soomaaliya.
Dowladdda Federaalka Soomaaliya ayaan la hayn Awood ay
Talaabo kaga qaado Kooxaha Burcad badeedka, ee afduubta
Maraakiibta Shisheeye iyo Maraakiibta Ganacsatada
Soomaaliyeed u raran.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |