Soomaali
Tahriibayaal ah oo ku Naf-waayay Badweynta Dalalka Libiya
iyo Talyaaniga.
(Lampedusa, May
29,
2008 Ceegaag Online)
Magaalooyinka Waa weyn ee ku dhow-dhow xeebaha jasiirada
Laambaduusa Ee dalka Talyaaniga ayaa haatan waxaa ay ku
waramayaan in ugu yaraantii ay dhinteen ilaa 70 (todobaatan)
Tahriibayaal Soomaali ah kuwaas oo la sheegay in ay doontii
ay saarnaayeen oo aheyd doon aad u xun ay kula degtay meel
ka mid ah xeebaha jasiirada la yiraahdo
Lampedusa
xili ay filanayeen in wax yar uun ay kaga hartay waqtigii ay
doonidaas is kaga wada dagi lahaayeen balse Maxaa dhacay?
Mid ka mid ah Soomalida ku Sugaan Wadanka Liibiya. ayaa ii
Xaqijiyeey In Doonidaasi ey Gabi ahaanba Ku dagtey Bada-weyn
Ee Uu dhaxeysa dalalka Liibiya iyo Talyaaniga
Wiilkan dhalinyarada ah ayaa iminka ku sugan Caasimada Dalka
Liibiya Ina sheegay in Uu ka Baaqdey Raacista Doonidaasi
Sababo la xiriira dhinaca dhaqaalaha Oo ka soo ragaay, Balse
wuxuu gashaanka ku dhuftey in uu iskaga soo taagi doono gabi
ahaanba dalka liibiya maadaama bada ey iminka tahay mid
halis ah Oo kacsan,
Si Kastaba ha ahaate Sida ay ku warameen jaraa,idyada ka soo
baxa guud ahaan dalka Talyaaniga gar ahaan magaalada Milano
waxaa dadkaan meeydadkooda laga soo qaaday cusbitaal weyn
oo ku yaala duleedka jasiirada la yiraahdo Laambaduusa
halkaas oo dhawaan la filayo in loo gudbiyo meeydadkaasi
dhinaca magaalada Rooma ee caasimada wadanka Talyaaniga bal
si loogu aaso muhaajiriintaasi qabuuraha Muslimiinta ee
magaalada Milaano. mahaam markii Ugu Horeysay Ee Soomaali
Tahribayaal ah ay ku Naf-waayaan Badweynta Uu dhaxeysaa
dalalka Liibiya iyo Talyaaniga. Iyado La Xasuusan yahay
Sannadkii 2003 In ay ku Naf-waayeen Soomaali Badan
Badweyntaasi,
Hassan
YeeY
Pretoria, South Africa
Email;
yeey18@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |