Ra’iisal
Wasaare Nuur Cadde oo Hub ka dhigis ku sameynaya Max'ed
Dheere, Darwiish iyo Cabdi Qaybdiid.
(Muqdisho, May 08,
2008 Ceegaag Online)
Ra'iisul
Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur
Cadde) ayaa warqad kasoo baxday Xafiiskiisa waxa uu hub
kadhigis kusamaynaya Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed
Cumar Xabeeb "Maxamed Dheere", Taliyaha Ciidanka Booliiska
Soomaaliyeed Col. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Taliyaha
Nabad Sugida Qaranka General Darwiish.
Ra'iisul
Wasaaraha ayaa warqad qoraal ah oo kusaxeesan yahay waxa uu
ukala diray dhamaan sedexdaasi masuul waxaana uu ogeysiin
kusiiyey Col. Yohanes Abate, ENDF Commander oo ah korneelka
Itoobiyaan ah si markay diidaan uu xoog ugu qaado, sidoo
kale wuxuu ogaysiin siiyey Madaxwyenaha Dowladda Federaalka
Soomaaliya Mudane C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Wasiirkiisa
Amniga.
Warqadan
amarka ah ayaysan u hogaansamin madaxdaasi iyagoo ku
andacoonaya inuusan ka war heynin Madaxweyne Cabdulaahi
Yuusuf Axmed, wararka naga soo gaaraya Xafiiska Wasiirka
Warfaafinta ahna Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka Axmed C/salaan
ayaa warqadahaani u geeyey sarkaalka Itoobiyaanka waxaana
lagu wargeliyey maadaama uu isagu yahay Ra'iisul Wasaare
Kuxigeen inuu isagu fuliyo maaadama uu gacanta ku hayo
hawshaasi.
Lama
garanayo Tilaabada ay qaadan doonaan Sadexdaani mas’uul
waxaana laga dhur sugayaa Talaabadan mida xigta ee uu qaadan
doono Madaxweyne C/llaahi Yuusuf.
Warqada
Ra'iisul Wasaaraha ayaa u qornayd Sidan:
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |