(Helsinki, May 27, 2008 Ceegaag Online)
Ujeedadii kulamadii Manchester iyo Birmingham- UK
1. Sidii ururku xafiisyo uga furan lahaa Ingiriiska, uguna yeelan lahaa hawl- wadeeno
2.Si loo horumariyo waxqabadka Sahan International Relief Association ee Somalia, gaar ahaan gobolada SSC
3. Sidii teegeerayaasha ururka Sahan International ee Finland iyo kuwa UK ay u kala warqaadan lahaayeen.
Si ujeedadaas loo gaadho xubnaha iyo teegeerayaasha Sahan ee UK ayaa waxay si heersare ah u abaabuleen in kulamo heersare ahi ka dhacaan magaalooyinka London, Manchester iyo Birmigham. Waxaa suurtoobay in 16.05.2008 uu kulan aad loo soo agaasimay uu ka dhaco Manchester, waxaa kaloo suurtashay in 17.05.2008 uu kulan kale ka dhaco magaalada Birmingham.
Natiijooyinkii ka soo baxay kulamadaas waxay kala ahaayeen
1. In la iskaashado, la iskana kaashado horumarinta deegaanka SSC
2. In ururka Sahan International Relief Association, taageerayaashiisu ka diwaangeliyaan UK, si ay dib u dhiska deegaanka SSC uga qaybqaataan.
3. Waxaa la uruuriyo dhaqaale ku saabsan kabida mashruucyada Sahan International Relief Association ry ee Finland ay ka wado deegaanka SSC.
Xafiiska wararka ee Sahan International
Helsinki - Finland
info@sahanorg.net
webmaster@ceegaag.com |