Kumanaan
Soomaali ah oo ka Soomey Cunada dalka Koonfur Africa.
(Pretoria, May 30,
2008 Ceegaag Online)
Waxaa
Soo Foodsartey dadka Soomaalida ee ku Dhaqnaa Guud Ahaan
dalka South Africa Dhibaatooyin iyo Rabshado isdaba joog Ah,
iyago sheegaya in Wixii Xoolo Ahaa ee wadanka ay ku haysteen
laga dhacay Gabi Ahaanba Qaar kalana Lagu laayey Rabshadihi
Dhacayay Todobadyadaan, Sidoo Kale Qaxootigan Soomaalida
ayaa Iyagu helin Wax gar-gaar ah iyagoo wax dawooyin ahna
aysan ka helin Dowladda ka Arrimisa Guud Ahaan dalka South
Africa.
iyado Kuwa Rabshadaha Geystay ee uu dhashey Wadanka South
Africa. Wixii African ah ay qabtaan ey U geysteen
Dhibaatooyin Aan hore uga dhiciin Qaarada Africa taasoo Ah
In lagubayo Ruuxii Oo Nool, Kumanaan Soomaali Ah Oo is Kugu
Jiro Dumar & Rag Ayaa Hay'aada Un-ka Isku Soo dhibeey Ka
gadaal Markii ay Uu Dulqaadan Waayeen Weerarada Lagu
bartilmaameedsanayo dadka Aan Uu Dhalan dalkan South Africa,
taaso dhalisey In Qaxooti Badan Oo Soomaali Ah Oo ka
shaqeysan Jirey Wadanka S/Africa ey Miciin Bideen
Qaxootinimo,
Kumanaan-kan Qaxootiga ee Soomaaliyeed Ayaa Waxaa
Teendhooyin Looga Dhisey Duleedka Magaalada Pretoria halkas
oo ay ku Sugnaayeen Muddo (3 Cisho Ah)
Qaxootigan Soomaaliyeed Ayaa Kawadda Soomey Cunada, Tasoo ay
ku dalbanayeen In Dowlada S/Africa ey ku wareejiso Hay'aada
Un-ka Ee fadhigoodu yahay Isla Magalaada Pretoria, Maadaama
Hay'aada Un-ka ey uu sheegtay Qaxootiga Soomaliyeed In
Dowlada S/Africa eysan Raali Ka ehyn In ey La Wareegaan gabi
ahaanba Qaxootigan Soomaliyeed,
dhanka kale Qalabka Warbaahinta Ee dalkan South Africa Ayaa
Sii Toos Ah Uu Tabinayey Iska Horimaad Ku Dhexmarey Maanta
Mesha ey ku sugan Yihiin Qaxootigan Soomaaliyeed iyo Koox
Boolis Oo ilaali Ka haysay isla Goobta Qaxootigan Hoyga
Looga Dhigey, Tasoo Dhalisey in Rasaas Tel-Tel ah ey Furaan
Booliska, iyado Lagu kala eryayey dad ku soo Xoomey Mesha
Booliska ay ilaalada ka hayeen, iyado wax qasaaro ah Oo ka
dhasheyna Aan la Carabaabine,
Si Kastaba ha ahaatee Dhibaatooyinka Soomaalida ku dhaqan
guud ahaan dalka South Africa Soo Foodsartey Inta kaliye
Kuma Koobna waxaa Magaalada Geoge Ee Gobolka Eestern Cape
Lagu Dilay isla Maanta Wiil Dhalinyaro Soomaaliyeed iyado
isla dilka uu Geystay Wiil Kale Oo isna Soomaali ah, Dilkan
ayaa ka dhashey kadib Markii Meel Xero ah Soomalidi Laga Soo
Barakacshey Magaalada George Lagu xanaaneynayay ey isku
qabsadeen labadan Dhalinyaro Buustaha lagu Seexdo, Taasoo
dhalisey In La Dilo Mid Ka mid Ah labadi Dhalinyaro Ee Halka
dagaalka uu ku dhexmarey laguna Dilo Toorey, Waxaa markiiba
Goobta Soo Gaaray Booliska Magaalada George waxaana xabsiga
loo taxaabey gacan-ku dhiig-lihii Falka geystay.
Hassan
YeeY
Pretoria, South Africa
Email;
yeey18@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |