Afhayeenka Al-Shabaab
oo sheegay in ay Bartilmaameedsanayaan Muwaadiniinta haysta
Dhalashada Mareykanka.
(Muqdisho, May 08,
2008 Ceegaag Online)
Afhayeenka Ururka Al-Shabaab
Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa markii ugu
horeysay sheegay in ay beegsadaan muwaadiniinta u dhashay
dalka mareykanka iyagoo u aargudaya hogaamiye sare oo kamid
ahaa ururka Al-shabaab Aadan Ceerow oo ku geeriyooday duqeyn
uu mareykanku ka geystay magaalada Dhuusamreeb.
Kadib shir jaraa'id oo
uu qadka taleefanka ugu qabtay warbaahinta Muqdisho ayuu
sheegay afhayeenka Al-shabaab in ay ka go'an tahay in ay u
aargudaan raggii kaga dhintay duqeyntii ka dhacday magaalada
Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.
"Qof kasta oo heysta dhalashada mareykanka waan beegsan
doonaa, waayo dhamaantood isku mid ayey noo yihiin,
mareykanku wuxuu laayey dad xoolo dhaqato Soomaaliyeed ah,
maxay dadkaasi galabsadeen ayuu is weydiiyey, inagana
dadkooda xitaa waan beegsaneynaa" ayuu yiri Abuu Mansuur.
Abuu Mansuur oo sii
hadlayey ayaa sheegay in xitaa ay beegsana doonaa
shaqsiyaadka u shaqeeya hay'adaha samafalka ee wata
dhalashada dalka mareynkanka, isagoo intaa raaciyey in
mareykanka ka aar gudan doonaan meelkasta oo ay uga aar
gudan karaan.
Wuxuu ka hadlay dagaallo ay shalay ururkooda la galeen
ciidamada
Ethiopia
isagoo sheegay in ay dagaaladaas guullo ka gaareen ayna
khasaare weyn gaarsiiyeen ciidamo Ethiopian ah oo ku kala
sugnaa qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya.
Waa markii ugu horeysay ee afhayeenka Al-shabaab uu
saxaafadda ka sheego in iyagoo u aargudaya hogaamiyahoodii
Aadan Ceerow ay beegsan doonaan muwaadiniinta heysta
dhalashada dalka mareynka.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |