Afhayeenka
Ciidamada AMISOM Ba-hoku Barigye oo ka Hadley qaraxii shalay
lala beegsaday Ciidamada Uganda.
(Muqdisho, May 24,
2008 Ceegaag Online)
Kadib shirjaraa'id oo uu ku
qabtay garoonka diyaaradah ayuu sheegay afhayeenka in
qaraxaas ay ku dhaawacmeen 5-ka mid ah askartooda isla
markaana uu gebi ahaan ku burburay gaarigii ay saarnaayeen.
Wuxuu sheegay in qof
Soomaali ah uu sidoo kale ku dhaawacmay qaraxaas
islamarkaana ay waxyeelo kale soo gaartay gaari kale oo daba
socday gaariga la qarxiyey.
"Hanjabaadaha iyo weerarada
na lagugu hayo uma joojineyno caawinta shacabka Soomaaliyeed,
waana wadeynaa howsha aan ka heyno Soomaaliya" ayuu yiri
Ba-hoku Barigye oo ah afhayeenka ciidamada AMISOM oo ka
hadlayey shirka jaraa'id.
Shirka jaraa'id kadib ayaa
saxaafadda waxaa la tusay dhaawacyada qaar kamid ah
ciidamada AMISOM ee ku waxyeeloobay qaraxa kuwaas oo
badankood meelo badan oo jirkooda ay ka muuqdeen dhaawacyo
kala duwan.
Qarax shalay ka dhacay
wadada u dhexeysay KM4 illaa garoonka Muqdisho ayaa waxaa
lala beegsaday mid kamid ah gawaarida ciidamada AMISOM kaas
oo gebi ahaanba uu qaraxu burburiyey islamarkaana ay ku
waxyeeloobeen qaar kamid ah ciidamada AMISOM.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |