Afhayeenka
Madaxweyanaha Xuubsireed oo si kulul uga jawaabay eedeyntii
Channel 4.
(Muqdisho, May 28,
2008 Ceegaag Online)
Afhayeenka
Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuubsireed)
ayaa kadib shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho
wax kama jiraan ku tilmaamay eedeyn loo jeediyey qaar kamid
ah Madaxda Dowladda Soomaaliya oo ay soo bandhigeen
Warbaahinta Dalka England gaar ahaan wargeyska Daily Mail
iyo TV-ga Channel 4.
Xuubsireed
ayaa si caro leh u sheegay in ujeedooyin gaar ah laga
leeyahay arrintaas, isagoo sheegay in aanu jirin sharci
baneynaya in la fara galiyo nolosha qoysaska Madaxda
Dowladda ee ku nool magaalada London ee Dalka Britain.
"Waa
aflagaado ka dhan ah Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya
oo dano guracan laga leeyahay, dowladduna aad bey uga xun
tahay arrintaas" ayuu yiri afhayeenka madaxweynaha Mr.
Xuubsideed oo warbaahinta kula hadlayey magaalada Muqdisho.
Wuxuu sheegay
in dowladda Soomaaliya ay dowladda Ingiriiska u gudbibeyso
ashtako ka dhan ah wargeyska Daily Mail iyo TV-ga Channel 4
iyo guud ahaan intii ka qeyb qaadatay soo uruurinta
warbixinta.
Wuxuu yiri "
Waa arrin fool xumo ah in dhaleeceyn aan jirin dusha laga
saaro madaxda dowladda oo naftoodii u haray qaranka
Soomaaliyeed, si ay u badbaadiyeen shacabka Soomaaliyeed".
Hadalka Mr.
Xuubsireed Afhayeenka madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya
xilli TV-ga Channel 4 iyo wargeyska Daily Mail ay baahiyeen
warbixino sir ah oo muujinaya tacadiyo iyo xadgudubyo la
sheegay in ay qaar kamid ah Madaxda dowladda ay ka geysteen
gudaha dalka Soomaaliya.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |