Ahmedou
Ould Abdallah oo ugu baaqay Beesha caalamka in ay taageeraan
Shirka Dib u heshiisiinta Jabuuti.
(Jabuuti, May 13,
2008 Ceegaag Online)
Wakiilka gaarka ah ee
Qaramada Midoobay ee arrimaha dalka Soomaaliya Ahmedu Ould
Abdallah ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay taageeraan
Soomaaliya islamarkaana ay garab istaagaan dadaalada dib u
heshiisiineed ee uu isaga horkacayo.
Ahmedou Ould-Abdallah
ayaa sheegay in uu si weyn ugu faraxsan yahay in dhinacyada
Soomaaliya ay markaan muujiyaan dabacsanaan islamarkaana ay
wada hadallo fool ka fool ah ka yeeshaan arrimaha dalka
Soomaaliya.
"Waa arrin lagu farxo in
dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya ay isku soo
dhawaadaan oo ay aqbalaan in ay wada hadallo fool ka fool ah
qaataan" ayuu yiri Mr. Ahmedou Ould-Abdallah oo wakiilka
gaarka ah ee Qaramada Midoobay ugu qeybsan arrimaha dalka
Soomaaliya.
Wuxuu xusay in
Soomaaliya ay u baahan tahay taageero ay ka hesho beesha
caalamka, isagoo intaa raaciyey in loo baahan yahay in
beesha caalamku ay markaan il gaar ah ku eegaan arrimaha
dalka Soomaaliya.
Wakiilka gaarka ah ee
Qaramada Midoobay ayaa iminka dadaal dheer ugu jira in uu
dib u heshiisiin ka dhex abuuro dhinacyada Soomaalia isku
haya, isagoo markii ugu horeysay ku guuleystay in uu labada
dhinac aqbalsiiyo in ay wada
hadallo fool ka fool ah qaataan.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |