shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Allaah kama bedelo Qolona waxay ku suganyihiin ilaa ay iyagu ka bedelaan Nafahoodu waxay ku sugan yihiin.

(U.A.E,  May 29,  2008 Ceegaag Online)

Mahad iyo amaan Allaah ayaa mudan oo iska leh, Rabiga Caalamiinka, amaan iyo nabad gelyona ha ahaato korkiisa Rasuulka Allaah iyo Ahalkiisa iyo Asxaabtiisa iyo mid kasta oo maray Jidkiisii oo ku hadaysma Hanuunkiisa ilaa iyo Maalinta Qiyaamaha

Intaas ka dib:

 

Waxaynu Qoraalkan ku soo qaadanaynaa Arin in badan lagu soo qaaday Qoraalo oo aan inagu cusbayn, hase yeeshee Ahmiyada ay leedahay darteed ay mudan tahay in wax badan lagu soo celceliyo oo lays xusuusiyo Xusuustuna waxay anfacdaa Mu’miniinta, waxayna tahay Arintuna waxa Allaah tacaalaa uu uga jeedo Aayata ka midka ah Quraanka kariimka ee xambaarsan macnaha ah kaa aan Qoraalkan Cinwaanka uga dhignay ee ku jirta Suurat Aracad, Arinta ay Aayatanu inoo sheegtay waxa aan shaki ku jirin in ay inaku xaqiiqowday Maanta hadaynu nahay Dadka Soomaaliyeed,

 

Hadaba waxaan anigu jecelahay oo aan aaminsanahay, runtiina aan rumaysnahay inaan ku saxanahay in Arin kasta loo daayo Dadka Ahalka u ah yacni Cilmiga iyo Aqoonta u leh, oo loo daba fadhiisto lagana dhegaysto Talooyinkoodna la raaco haday tahay Cilmiga Diinta, Siyaasada, Dhaqaalaha iwm, laakiin hadii Arinta loo dhiibo oo loo daba fadhiisto Dad aan Ahal u ahayn waxaad ogaataa in uu Arintii iyo idinkaba Jar idin kala dhici doono oo laga yaabo in uu keeno Dhib aan laga soo waaqsan doonin

 

Taasuna waa ta Maanta ina haysta hadaynu nahay Ummada Soomaaliyeed, markii aynu Taladii Wadankeena u daba fadhiisanay Dad aan Ahal u ahayn Diin, Maamul iyo Siyaasad toona bal iyo Khuluq wanaagsan toona, waxa keli ah ee ay yaqaaniina tahay Qabyaalad, ayay waxay ina gaadhsiiyeen Heerkaa Halaaga ah ee aynu Maanta ku suganahay ee lagama soo waaqsadaanka ah

 

Aniga oo Qoraalkan ku soo noqon doona xagiisa dambe inshaa Allaah oo hadii Allaah tacaalaa ii yasiro aan odhan doono Tacliiq yar oo Mawduucan la xidhiidha, ayaan hada waxaan doonayaa bal inaan ka fahamno Tafsiirka Aayatan Kariimka ah Caalim Rabaani ah oo Cilmigiisa iyo Mukhlisnimadiisaba aad lagu kalsoonaa waan Iimaam CabdulCasiis Ibin Baas Allaah ha u naxariistee raxmad waasic ah oo aan filaayo in badankiinu aad aad u wada taqaanaan, Caalimkan wayni wuxuu Mudo dheer ahaa Muftiga Boqortooyada Carabta ee Sucuudiga iyo Madaxa Haya’ada Sare ee Culimada waawayn, waxayna ahayd Su’aal laga waydiiyay Iimaamka Aayatan kariimka ah sidan ayayna u dhacday:

 

 

Su’aal: Shiikhayagiiyow waa maxay Tafsiirka Hadalka Allaah tabaaraka watacaalaa ee ku jira Suurat Aracad ee ah: { إِنَّ اللّهَ لاَ يُغَيِّرُ مَا بِقَوْمٍ حَتَّى يُغَيِّرُواْ مَا بِأَنْفُسِهِمْ }?

 

Jawaab: Ayaatan kariimka ahi waa Aayat wayn oo muujinaysa in Allaah tabaaraka watacaalaa dhamaanshaha Cadaaladiisa iyo dhamaanshaha Xikmadiisa awgeed aanu ugu bedelin Qoomna wixii Khayr ah ee ay ku suganaayeen Shar, wixii Shar ah ee ay ku sugnaayeena Khayr, Barwaaqadiina Dhib iyo wax la’aan, Dhibtii iyo wax la’aantiina Barwaaqo, ilaa ay iyagu bedelaan waxa ay Nafahoodu ku sugan yihiin

 

Hadii ay ku sugnaayeen Wanaag iyo Toosnaan oo ay iyagu bedelaan Allaah tacaalaana wuxuu ugu bedelaa Cuquubooyin, Belaayooyin, Dhibo adadag, Taran la’aan, Abaaro, kala qaybsanaan iyo wixii qayrkood ah oo ah noocyada Cuquubooyinka abaal marin u dhiganta siduu yidhi tacaalaa:  وَمَا رَبُّكَ بِظَلَّامٍ لِّلْعَبِيدِ }} {Rabigaana maaha mid dulmiya Adoomaha oo saaraya Denbi aanay lahayn}

 

Waana u Seeta dheerayn karaa subxaanahu oo u kaadinayaa oo soo Hoga gelinayaa bal inay ina ka noqdaan Xumaanta oo baraarugaan, taas dabadeed markay waansami waayaan ayuu tacaalaa mar qudha qabtaa siduu yidhi subxaanahu: {فَلَمَّا نَسُواْ مَا ذُكِّرُواْ بِهِ فَتَحْنَا عَلَيْهِمْ أَبْوَابَ كُلِّ شَيْءٍ حَتَّى إِذَا فَرِحُواْ بِمَا أُوتُواْ أَخَذْنَاهُم بَغْتَةً فَإِذَا هُم مُّبْلِسُونَ } {markii ay ilaabeen wixii loo sheegay iyaga ee Xaqqa ahaa ee uu Caqliyadooda ku ciyaaray Shaydaanku, ayaanu waxaanu u furay Albaabada wax kasta oo ay jeclaysteen oo ah Dunida iyo Macaankeeda iyo Mooganaanteeda ilaa ay markay ku farxeen waxa la siiyay, aanu si lama filaan ah oo aanay dhaadayn aanu u qabanay, mise isla markiiba waxay noqdeen kuwa ka quustay wax kasta oo Khayr ahba, taasuna waa Cadaab tan ugu daran}

 

Yacni ay noqdeen kuwa ka quustay wax kasta oo Khayr ahba, Allaah ayaan ka magan galnay Cadaabta Allaah iyo Cadhadiisa ee, waxaana loogu dhigi karaa dib ilaa iyo Maalinta Qiyaamaha oo ay noqonaysaa cadaabtoodu Cadaab aad u daran siduu yidhi subxaanahu: {وَلاَ تَحْسَبَنَّ اللّهَ غَافِلاً عَمَّا يَعْمَلُ الظَّالِمُونَ إِنَّمَا يُؤَخِّرُهُمْ لِيَوْمٍ تَشْخَصُ فِيهِ الأَبْصَارُ }  {hana u malaynin in ay Allaah ka qafilan tahay oo ka qarsoon tahay waxay samaynayaan Daalimiintu, bal dib ayuu ugu dhigayaa isagoo u kaadinaaya oo Risqiga u balaadhinaaya, wuxuuna u daayay in ay Dhulka u socdaan si Nabad gelya ah iyo Xasilooni

 

Taasuna ma muujinayso in Xaaladoodu wanaagsan yahay waayo Allaah tacaalaa waa u kaadiyaa oo u Seeta dheereeyaa Daalimka si uu u sii korodhsado Dembigiisa ilaa uu mar qudha qabto oo aanu ka baxsan karaynin, Dulmiguna waxaa weeye halkan oo uu koobayaa Dulmiga uu Adoonku ka galay Rabigiisa iyo kuu ka galay Adoomaha Allaah, wuxuu yidhi subxaanahu bal dib ayuu ugu dhigayaa ilaa iyo Maalin ay Indhuhu istaagayaan oo aanay dhaqdhaqaajin karaynin Argagax dartiis waxa ay arkayaan ee ah Hoog iyo Dhib tan ugu daran } macnuhu wuxuu yahay iyaga dib ayaa loogu dhigayaa oo waa loo kaadinayaa ilaa iyo Geerida ka dib, taasuna waxay noqonaysaa Cuquubo ka sii wayn iyo Dhib iyo Cadaab ka sii daran.

 

Waxayna noqon karaan kuwa ku sugan Shar, Belaayo iyo Macsiyado, dabadeedna ay u toobad keenaan Allaah oo u noqdaan isaga oo ay ka tiiraanyoodaan si dhab ah Xumaanta ay samayeen oo ay ku toosnaadaan Daacada, Allaahna ugu bedelo waxay ku sugnaayeen ee ahaa Belaayooyin iyo kala qaybsanaan iyo Dhibaatooyin adadag iyo Faqri ugu bedelo Barwaaqo iyo Nicmooyin iyo Kelmeda Xaqqa ah oo ay ku kulmaan iyo Xaaladahooda oo hagaaga sababaha oo ah Camaladooda wanaagsan iyo u toobad keenkoodii Allaah subxaanahu watacaalaa, waxaana taas ku yimid Aayat kale oo ah:

 

 

ذَلِكَ بِأَنَّ اللّهَ لَمْ يَكُ مُغَيِّراً نِّعْمَةً أَنْعَمَهَا عَلَى قَوْمٍ حَتَّى يُغَيِّرُواْ مَا بِأَنفُسِهِمْ  }} {taas waa in aan Allaah ahayn mid bedela Nicmada uu ku nicmeeyay ama siiyay Qoom oo ah Nicmooyinka Diinta iyo Dunida bal waa u daayaa oo u sii kordhiyaa haday kordhiyaan Mahadnaqa iyo Toosnaanta, ilaa ay iyagu bedelaan waxay Nafahoodu ku sugnaayeen oo Daacadii ku bedelaan Macsiyado oo ku Kufriyaan Nicmada Allaah oo ku bedelaan Kufrinimo, markaas ayaa Allaahna ka qaadayaa wuxuu ku nicmayay siday iyagu u bedeleen Wanaagii ay ku sugnaayeen}

 

Hadaba Aayatanu waxay inoo cadaynaysaa hadii ay iyagu ahaayeen kuwa ku sugan Nicmo iyo Barwaaqo iyo Khayr, dabadeedna ay bedelaan oo ku bedelaan Macsiyado waa loo bedelaa iyana, walaa xawla walaa quwata ilaa Billaah, waana loo Seeta dheerayn karaa oo loo kaadin karaa sidaan soo sheegnay, waana lagu soo rogi karaa Cuquubo degdeg ah sidaan iyana soo sheegnay

 

Sidoo kale hadii ay ahaayeen kuwa ku sugan Xumaan , Macsiyado ama Gaalnimo iyo Baadi dabadeedna ay toobad keenaan oo ka tiiraanyoodaan waxay samayn jireen oo ku toosnaadaan Daacada Allaah, wuxuu Allaah ugu bedelaa Xaalkooda Xaalad xun ilaa iyo Xaalad wanaagsan, wuxuu ugu bedelaa kala qaybsanaantoodii Wadajir iyo is afgarasho, wuxuuna ugu bedelaa Dhibihii iyo Adaygii ilaa iyo Nicmad iyo Caafimaad iyo Barwaaqo, wuxuuna ugu bedelaa Xaladohoodii ahaa Taran yarida iyo Abaarta iyo Biya yarida iwm taas, Roobka oo u da’a, Geedaha Dhulka oo soo baxa iwm, taas oo ah Noocyada Khayrka.

Halkaas ayuu ku dhamaaday hadalkii Shiikhu Allaah ha u naxariistee, wuxuuna ku jiraa Hadalkanu Barnaamijka “ Nuur calaa darab Cajalada saddex iyo tobanaad”

 

Hadaba markay Arintu sidaas tahay inkasta oo aanay ahayn markii ugu horaysay ee laydin xusuusiyay Aayatan kariimka ah mudadaa dheer ee Wadankeenii Hooyo burbursanaa sidaan horay u soo sheegnay bal aan hubo in boqolaal jeer lays xusuusiyay hadaanayba kumanaan jeer ahayn, ayaan waxaan idin waydiinayaa se Soomaaliyay sidaad u dhan tihiin, miyaanay ahayn Aayatan kariimka ahi mid inagu xaqiiqowday sida Maanta Wadcigeenu yahay? Miyaynaan Wanaagii Xumaan ku bedelin? Miyaynaan Walaaltinimadii Cadaawad iyo Colaad iyo Qabyaalad qudhun ah oo midkeenba kan kale xalaalaystay Dhiigiisa iyo Cirdigiisa ku bedelin?

 

Khayrkii miyaynaan Shar ku bedelin? Dowladanimadii miyaynaan Dowlad la’aan iyo Fowdo ku bedelin? Waxgaradkii miyaynaan ka doorbidin oo ku bedelin Qabqable ama Dagaal Ooge Jaahil ah iyo Daalimiin oo aan Diin iyo Dadnimo toona lahayn? Miyaynaan…? Oo miyaynaan…? Oo miyaynaan…? Halkan laguma soo koobi karo waxa Wanaag ahaa ee aynu ku bedelay Xumaan, Bal se aan idhaahdo Xaqiiqadii Allaah waa ina siiyay oo inagu abaalmariyay Sharkii aan waydiisanay ee Shaydaanku inoo dhaldhalaaliyay inaga oo Nabad iyo Nolol wanaagsan ku nool, in kasta oo ay inagu dhex baabe’een Shacab badan oo aan iyagu waxba Door ah ku lahayn Dhibtaa iyo Belaayooyinkaa la abuuray, hase yeeshee Masiibadu haday Qoom ku soo degto Aduunyada Korkeeda ma kala soocdo mid Xun iyo mid Wanaagsan toona, Dhibta iyo Fidnada kuwii gaystay iyo kuwaan gaysan toona, waa Sunnad ka mid ah Sunnanka Allaah tacaalaa ee aan bedelmin lana bedeli Karin siduu yidhi tacaalaa:

 

وَاتَّقُواْ فِتْنَةً لاَّ تُصِيبَنَّ الَّذِينَ ظَلَمُواْ مِنكُمْ خَآصَّةً  }} {kana digtoonaada Mu’miniintay Fidnad ama Imtixaan iyo Dhib aan ku ekaanayn oo haleelayn oo keli ah kuwii Dulmiga gaystay bal wada saamaynaysa dhamaan xataa kuwii wanaagsanaa hadii aanay inkirin Dulmiga oo ka digin } waa sida ay Soomaalidu u tidhaahdo Dab Munaafiq shiday baa Mu’min ku gubtaa, kuwa keli ah ee laga yaabo in ay Musiibadaa ka Nabad galaan oo ka badbaadaan waa kuwa Dadka hagaajiya ee toosiya oo Wanaaga fara Xumahana ka reeba, laakiin kaa aan isagu Dembiga gaysan ee ay Masiibadu haleeshay isagu Maalin kale ayuu farxayaa oo uu Daalimku murugaysan yahay waana Maalinta Aakhiro, kuwii se eesha dhigay Aduunkana waxay kala kulmaan bay leeyihiin Aakhirona Hoog iyo Halaag baa ugu dambaya hadaanay ka toobad keenin Tobad dhab ah intay nool yihiin

 

Ururadan iyo Kooxahan aan isu qaybinayna sidaan in badan soo aragnay Maalinba mid baa farxaysa mudo ka dibna aad arkayso iyagoo Murugo ku dambeeyay, Allaah badanaa intee baynu taas aragnay mudadaas dheer imisaa kuwaas Ururadaas oo ay hogaaminayeen Dalimiin iyo Mujirimiini ina soo maray oo Mudo ka dib sidii Xumbo gudhay noqday, kuwii hor boodaayayna ama ay Naftoodii ku waayeen ama Murugo iyo Ciil ku dambayeen, kuwa weli taaganina ama jiraana maaha macnuhu in ay hagaagsan yihiin ama guulaysteen ama ha yidhaadeen Dowlad Madax banana oo Dalka intiisa kale ka go’day baanu nahay ama ha yidhaahdeen waxaanu nahay Maamul oo cidina waxba nalama laha anagu se Ummada oo dhan baanu wax la leenahay, ee sidii uu Shiikhu inoo sheegay waa loo Seeta dheeraynayaa oo loo kaadinaayaa bal inay ina Xumaanta ka noqdaan, laakiin se uma muuqdaan kuwa waansamaaya

 

Markaa waxa xigaa sow maaha qabashadii kedisada ahayd ee xooga badnayd ee Allaah oo kaga imanaysa Meel aanay garanayn oo aan hada u muuqan siduu yidhi tacaalaa: سَنَسْتَدْرِجُهُم مِّنْ حَيْثُ لَا يَعْلَمُونَ }} {waxaanu ku soo hoga gelinaynaa in aan siino Xoolo, Ubad iyo Nicmooyin dabadeedna waxaan kaga imanaynaa Meel aanay ogayn oo aan markaas u muuqan} Allaahu mustacaan, waxa iyana jira kuwa aan ka qayb qaadan waxa ka dhacaaya Wadanka oo ah Aqoon yahan iyo Waxgaradba oo debedaha ku nool oo aan Xumaan iyo Wanaag toona ku darsan waxa dhacaya, kuwaasu waa Bakhti Sugayaal waayo waxay qabaan in aanay Shaadhkooda wasakhayn ee debedaha iska joogaan intuu wadanku hagaagaayo, waana kuwii ay ahayd in ay Bulshada dhibta la qaybsadaan oo u ordaan sidii ay u badbaadin lahaayeen Dadkooda iyo Dalkooda, waxayna weliba u badan yihiin kuwii lagu soo koriyay oo wax ku noqday Xoolihii Qaranka Cashuurtii ay bixinaysay Islaanta Miskiinada ah ee Tamaandhada Qoraxda ku iibinaysay ayay Heerka ay Maanta joogaana ku gaadheen iyagana wax badan ayay ku yeelan doonaan Dembiyada Wadanka ka dhacaaya, Bakhtiga ay sugayaan uma muuqdo mid ay helayaan

 

Waxaa iyana xusid mudan oo jira Koox yar oo aad isugu hawshay in ay Wadanka badbaadiyaan runtiina taray oo u qabtay wax badan oo khayr ah laguna soo gaadhay Waqtiga Maanta la joogo, waana Islaamiyiinta si daacadnimo ah bay u qabteen wax badan oo aan la soo koobi karayn intii karaankooda ahayd, waana lagu liibaanay Mudadaa aynu soo dhaafnay oo dhan, hase yeeshee iyada oo uu Cadawgoodu badnaa Gudaha iyo Debedaba ayaa waxaa muuqata in iyagana Dhib aad u wayni soo food saartay oo ay Cadawgu si ay u tirtiraan Jirtaanka Ummadan ay marmarsiinyo uga dhigteen la dagaalanka Islaamiyiinta oo ah Kelmed Maanta Aduunka oo dhan laga soo dhowanaayo ayna Horseed u tahay Dowladii Aduunka ugu xooga waynayd,iyadooba iyadii faraha la soo gashay Dagaalkan iyo Dhibtan Wadankeena laga hurinaayo, iyagana aanay ka muuqan in ay yihiin Dad Awood u leh oo u bisil Siyaasada ay kaga hortegayaan Shirqoolkan Dowliga ah, bal waxay noqodeen Neefkii Xoolaha ahaa ee Waraabaha goonida ugu baxay oo kale, taas oo ah Siyaasadii in badan lala raadinaayay.

 

Waxaan Qoraalka ku soo geba gebaynayaa Soomaali Dhib oo dhami way soo gaadhay, Haad iyo Haanraawebana way ka dhergeen Meel walbana waa ku daatay Dhiigoodii xataa Kaaluunkii Badu qayb Libaax ayuu ka helay, Dhibta ina haysaan waa mid aan inagu isugu wacan nahay oo Gudeheena iyo Camaladeena ka dhalatay, si kastaba Cadawgu ha u adeegsadee, hadaba iyadoo ay Arintu sidaas tahay waxaas oo Dhibina ina soo mareen inana hayaan weli, ayaynu hadan weli ku jiraa xaga Allaah Seeta dheerayn iyo u kaadin, waxa aan filanaana waa Qabashadii Xooga badnayd Allaah ha inaga hayee, taas oo hadaba uu ifafaaleheedii muuqdo, markaa miyaanay inala gudboonayn in Allaah u Toobad keeno oo u noqono weli fursadaasu waa mid ina hortaala ee? Haa waxay ila tahay in ay tahay tan keli ah ee aan ku badbaadi karo, Wadajirna aan Xal ugu raadino Dhibaatooyinkeena iyo Walaaltinimadii aynu ka tagnay, una dayno Arin kasta kuwa u Ahalka ee wax ka qaban karaaya oo aan ku taageero si aan u soo ceshano Sharafteenii iyo Karaamadeenii

Wabillaahi atowfiiq

 

Waxaa soo guuriyay oo diyaariyay:

Essa Mohamoud

almutawaadic@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com