shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

AU oo markii ugu horeysay shaaciyey in ay wadaan dadaalo ay ciidamo caalami ah ugu badalayaan ciidamada AMISOM.

(Addis ababa, May 14,  2008 Ceegaag Online)

Ururka midowga Afrika ayaa markii ugu horeysay waxa ay ka dhawaajiyeen in ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan sidii ay ciidamada AMISOM ugu badali lahaayeen ciidamo caalami ah oo ka socda Qaramada Midoobay.

Ramtane Lamamra oo ah guddoomiyaha amaanka iyo nabad galyada midowga Afrika ayaa sheegay in uu wado dadaalo dheeri ah oo la xiriira sidii dhinaca amaanka ee dalka Soomaaliya wax looga qaban lahaa, isagoo sheegay in isaga iyo shaqsiyaad kale ay arrintaas horboodayaan.

"Waxaanu dooneynaa in aan dowladda Soomaaliya fursad weyn u siino sidii ay dalka Soomaaliya wax uga qaban laheyd, hadda waxaanu wadnaa dadaalo dheeri ah" ayuu yiri Ramtane Lamamra oo ah guddoomiyaha amaanka iyo nabad galyada midowga Afrika.

Wuxuu intaas raaciyey in ururo caalami ah sida midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, ururka Islaamka iyo Qaramada Midoobay ay kala hadleen arrimaha dalka Soomaaliya islamarkaana ay dhawaan rajeynayaan in guullo la gaaro.

Waa markii ugu horeysay ee ururka midowga Afrika uu shaaciyo in ay jiraan dadaalo ay ku doonayaan in ay ciidamada AMISOM ee ururka midowga Afrika ka jooga dalka Soomaaliya ku badalaan ciidamo caalami ah.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com