shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo tanasulaad aanu Madaxweyne Riyaale la ogayn sameeyay.

(Hargeysa, May 04,  2008 Ceegaag Online) 

Madaxweyne kuxigeenka Somaliland, Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa shaaca ka qaaday in doorashada Madaxtooyadu ay qabsoomi doonto 31-ka December, 2008, haddii Komishanku go’aamiyo inay dhacdo, isaga oo sheegay in cidda wakhtiga doorashada cayimi kartaa ay tahay Komishanka Doorashooyinka qaranka.

Axmed Yuusuf Yaasiin, oo habeenkii xalay ahaa  ka hadlay xaflad loo sameeyey ballaadhinta Telefishanka 2aad ee Madaxa bannaan Somaliland, HCTV (Horn Cable Tv) oo baahintiisa geliyey Satellite-ka, caalamka oo dhanna laga daawan doono,falasaasi o o laga soodaayay Telefishankaasi ayaa waxa uu sheegay in aanay jirin cid is hortaagi karta 31-da December 20008 haddii Komishanka uu go’aamiyo, isla markaana muddada Guurtidu u kordhisey muddada xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenku aanay caqabad ku noqonayn qabsoomidda doorashada.

Madaxweyne kuxigeenku ayaa ku tilmaamay arrin la yaab leh is-afgaran waaga taagan, isaga oo sheegay inay caddahay in Guurtidu sharci u leedahay inay muddada kordhiso, sidoo kalena Komishanku awood u leeyahay inuu qabto doorashada ama cayimo wakhtiga ay dhacayso.

Axmed yuusuf yaasiin  waxa uu meesha ka saaray wakhtigii Guurtidu u cayintay qabashada doorashada Madaxtooyada ah oo ahayd 06 April 2009, Isaga oo ka hadlaya Madaxweyne kuxigeenku xisbiyada Mucaaridka,oo goob joog ahaa xafladaasi waxa uu yidhi, “Mucaaridka horta ha la yaabina, waxaydinaan ula yaabin, mucaaridku waa Geel aan cokanayn, geel aan cokanayn haddii ceel la keeno wuu jibaadaa … Annagu (Xukuumadda UDUB) waan cokanahay oo darkii baanu galay, markaa muxaafidiinta waxaan leeyahay ha dhibsanina”.

Khilaafkan mudo kordhinta ayaa waxaa uu taagnaa in mudo ah iyadoo golaha guurtida ee kordhiyay mudo kordhinta ay iyaga gudahooda soo kala dhex galeen  khilaaf xoog leh oo keenay in mudanayaasha qaarkood ay soo gudbiyeen in laga noqdo mudokordhinta.

Madaxwayane Riyaale ayaa umuuqda mid cidlo soo istaagay mar hadii ku xigeenkiisa uu soo dabcay  isagana uu ku ad kaysanayo in uu yahay Madaxweyanaha xaqa ah ee Somaliland  isagoo ka sheegay hadalo umuuqday mid uu ugu hanjabayo Mucaaradka uuna yidhi wuu siqiirayaa cidii soo hawaysata kursigayga lamagaranayo waxa ay soo kordhin karto kala leexadka labada Mas'uul

Xafiiska Wararka Ceegaag.com

Hargeysa

  

webmaster@ceegaag.com