shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Baaq lagaga soo horjeedo go'aanka ay xukuumaddu S/land laba nin oo u dhashay Ogaadenya gacanta uga galisay Itoobiya.

(Hargeysa, May 19,  2008 Ceegaag Online)

KU: MADAXWAYNAHA JAMHUURIYADA SOMALILAND

OG: QAYBTA DANBI BAADHIDA SOMALILAND

OG: CIIDAMADA NABADGELYADA SOMALILAND

OG: WASAARADA ARIMAHA GUDAHA

OG: MADAX-DHAQAMEEDYADA GOBALKA MAROODI JEEX (HARGEISA)

OG: XAASASKA IYO QARAABADA DHIBANAYAASHA

OG: BULSHOWEYNTA REER HARGEISA

KA: QURBOJOOGA, BAHWEYNTA REER HARGEISA

BAAQ CAMBAARAYN AH

Anagoo ah qurbajooga bahweynta deegaanka Hargeisa iyo S/land inteeda kaleba, waxaanu 15- 17 May xidhiidh mudo qaatay ku gorfaynay , dhacdada argagaxa iyo naxdinta leh oo 12 May 2008 Magaalada Hargeisa lagaga Qafaashay labada dhibane ee kala ah

1. C/Naasir Muxumed Xuseen

2. Xariir Maxamud Dhool

Anagoo ku hadlayna magaca bulsho waynta Reer Hargeisa, ee gacalka iyo xididka la ah labadaa dhibanayaasha waxaanu canbaaraynaynaa falkaa Naxariis darada ah ee aan loo meel dayin ee lagu tahriibiyay labbada Dhibane. Dhacdadan oo shaki la'aan meel ka dhac iyo lafo jabba ku ah Qaranimada & madaxbanaanida Somaliland

Dhacdadani waxay si cad uga soo hor jeedaa:

v Sharci Islaam iyo mid Bini Aadmi dejistayay toona waa ku gef (Qof walba waa danbi laawe ilaa maxkamadi ku cadayso), Waxaanu u aragnaa arin lagu gabood falay sharciyada dalka iyo dhaqan ee dalku leeyahay

v Waa mid aan waafaqsanayn sharafta, wada dhaqanka, xididnimada , gacalnimada Ummada dalku ku soo caano maashay iyo ta shakhsiga Soomaaliga ahba

v Waa mid meel lagaga dhacay Milgaha iyo sharaftii Labada dhibane iyo eheliyadoodii.

v Waxay meel ka dhac ku tahay Suldaanadii inamadaasi ay xididka iyo xigtada u ahaayeen oo ah xubno dhaqameed Maamus iyo sharaf ka dhex mudan Bulshada reer Hargeisa, Somaliland iyo Soomaalida geeska Africa ku nool guud ahaanba

v Waa niman ay cadahay inay mudo sanado badan ku noolaayeen Magaalada Hargeisa , lana noolaa qaraabadooda taasoo milgo jab ku ah xaasaskii iyo eheladii labadaa dhibane, xaq iyo xuquuqna ku leh dalka iyo dadkaba

v Waxaa cad in sifaha loo maray qabashadadoodu iyo gudbintooduba uu yahay mid guracan oo xaqa iyo xuquuqda garab marsan.

Ø Sidaa daraadeed waxaanu cod aad u dheer kaga codsanaynaa in sida uga dhakhso badan labadaa Dhibane sharaftoodii loogu soo celiyo lagana raali geliyo gefkaa arxandarada ah ee lagula kacay iyaga iyo eheliyadoodii iyo madax dhaqameedadaa loo gacan waydaartayba

Ø Waxan soo jeedineynaa in ciddii falkaas ka dambaysey la horgeeyo caddaaladda.

Ø Inaanu dib u dhicin falkan oo kale

Ø Waxaanu ku dhiirigelinaynaa kuna garab taagnahay Suldaamada iyo madax dhaqameedyada arinka ka gilgishay ilaa iminkana ku hawlan sidii loo soo furdaamin lahaa

Ø Waxaanu ka tacsiyadaynaaa eheladii qaraabadii, xididkii saaxiibadii iyo bulsho weyntaba dhegxumada iyo afariirka dhacdadani ku keentay

Ugu danbayn waxaanu ka codsanaynaa Maamulka dawlada , Hay'adaha xuquuqul-iinsaanka ee dalku inay daba gal ku sameeyaan dhacdadan. Waxaanu mar labaad ka digayaan cawaaqib xumada ay keeni karto falalka caynkan oo kale ahi.

Allaa Awood leh

Baaq soo jeediyaayaasha

1. Dr. Ibraahim Yusuf Maxamed

2. Ibraahim Macalin Aadan

3. Odey Abdillaahi Kaahin

4. C/Fataax Ibrahim Sheekh

5. Maxamed Haaruun Biixi

6. Prof. Ciise Xuseen

7. Khadar Aadam Koodbuur

8. Ibrahim Cabdi Cali

9. Odey Ibraahim Cayngal

10. Maxamed Xasan Jafal

11. Aabi Jaamac Xujaale

12. Aadan Mooge Xirsi (Aadan Ingriis)

13. Abwaan Maxamed Xirsi Guuleed

14. Maxamud Abokor Cige

15. Muuse Bootaan Cabdi

16. Sheekh C/Risaaq Ciise Ducaale

17. Sheekh Ismaaciil Aw-Muuse

18. C/Raxmaan Jaamac Taarwale

19. Abokor Maxamed Ismaaciil

20. Xamse Maxamed Yuusuf

21. Abwaan Bashiir Ismaaciil

22. Odey Jaamac Guure

23. Abwaan Aabi Jaamac Xujaale

24. Dr.C/laahi Xasan Faarax (Taiwan)

25. Maxamed Yuusuf Diirqadhaadh

26. Maxamud Axmed Lugwayne

27. Cabdi C/Laahi Mooge

28. Kaysar Abdillahi Maxamed

29. Odey Maxamed Xasan Jafal

30. Maxamed Cartan

31. C/Kariim Cali Baarjeex

32. Eng. Maxamed Axmed Balayax

33. Axmed Aw Muuse Xirsi

34. Jaamac Yaasiin Cawad

35. C/laahi Cabdi-case

36. Sh Muuse Axmed Jaamac

37. C/raxmaan Faarax-laangadhe

38. Saynab Axmed Rooble

39. Sahra Garaw Faarax

40. Mawliid Axmed Iidaan

41. Layla Jaamac Carraale

42. Safiya Dhukur Cali

43. C/Laahi Cabdi Cadde

44. Nagiib Cabdi Cilmi

45. Aamina Cali Cilmi

46. C/Qaadir Dhegaweyne

47. Odey Ibraahim Cayngal

48. Maxmed yuusuf Abdillahi (Dirqadhaadh)

49. Kaysar Abdillahi Maxamed

50. Ismaaciil Muuse Diiriye

51. Dr. Jaamac Xasan

52. Mubaarik Cumar Ibraahim

53. Caaqil Maxamuud Cadagude

54. C/Rashiid Macalin Aadan

55. Sh. Maxamed Xasan C/Laahi

56. Xasan Macalin Cismaan

57. Dr.Axmed Cabdi Yaasiin

58. Maxamed Cali (Maxmed Gaab)

59. Sh. Maxmed Cismaan (Aayatulaah)

60. Maxamed Mahdi Buubaa

61. Mustafe Abdilahi Ismaaciil

62. Xasan Haaruun Cabdi

63. Maxamed Jibriil Bootaan

64. Cabdale Ibraahim Gudaal (gamaame)

65. Maxamud Sh. Cabdi Cali Weerar

66. Mustafe C/Laahi Ismaaciil

67. Dr. Maxmed Macalin Yoonis

68. Cabdi Gadiid

69. Ismaaciil Maxamed Xaawa

70. Axmed Jaamac Taarwale

71. Maxamed Cabdi Yaasiin

72. Faysal Haadaame

73. C/Xakiin Ibraahim Sh Yusuf

74. C/Wahaab Ibraahim (Janagale)

75. Khadar Xuseen Cilmi

76. Mustafe Cali Shabeel

77. Cabdi Cali

78. Maxamed Ismaaciil Koodbuur

79. Xasan Xuseen Muumin (Nabaado)

80. Maxamed Yuusuf Camay

81. Cabdi Maxamed Warsame

82. Axmed Ciise Oomaar

83. Cabdi Bidhaan

84. Yahye Aadan Ismail

85. Farxaan Maxmed Xuseen

86. Maxamud Axmed Ibrahim

87. C/Risaaq Ismaaciil Weydcun

88. Axmed Haaruun Cabdi

89. Eng C/laahi Xasan Camay

90. Maxamuud Xasan Carraalle

91. Maxamud Suleymaan (Xaaxuut)

92. Eng. Abdirahmaan Aw Ismaaciil X. Xasan

93. Xasan Nuur kuluc

94. Foosi Xaaji Yuusuf

95. Ismaciil Jihaad Cadhoole

96. Maxamed Aw-Faarax

97. Axmed Faarax Timadhaqe

98. Cabdi Maxamed X Daahir

99. Maxamed Cilmi Mire

100. Ismaaciil Maxamuud Dambas

101. Eng C/laahi Cabdi

102. Axmed Dubad Geele

103. Eng Maxamud Maxamed Labaraad

104. Sh. Axmed Cumar Kurre

105. Eng Cismaan Cali Carraale

106. Axmed Maxamuud Qaalib

107. Maxamud Xasan Cabdi-Garas

Xigasho Jamhuuriya Online

  

webmaster@ceegaag.com