shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Banaanbax looga horjeedo diidmada lacagaha duugga ah iyo kuwa jeexjeexan oo maanta ka dhacay magaalada Jowhar.

(Jowhar, May 14,  2008 Ceegaag Online)

Dad careysan ayaa maanta banaanbax ka dhigay magaalada Jowhar oo xarun u ah gobolka Sh/dhexe kadib markii ay dadkaas oo ka cabanaya diidmada lacagaha duugga ah ay maanta isu soo bexeen gudaha magaalada jowhar.

Boqolaal dad ah ayaa maanta banaanbaxyo ka dhigay gudaha magaalada kuwaas oo ku dhawaaqayey erayo ay kaga horjeedaan diidmada lacagaha duugga ah iyo kuwa jeexjeexan, waxaana dadkaas oo u badnaa dhalinyaro ay isugu tageen goob fagaare ah.

Banaanbaxayaasha oo ahaa kuwo si iskood ahaa isu abaabulay ayaa si weyn looga dareemayey carada ay ka qabaan diidmada ay ganacsatada reer Jowhar weli ku hayaan lacagaha duugga ah iyo kuwa jeexjeexan.

Guud ahaan goobihii ganacsiga ee magaalada Jowhar ayaa irdaha loo laabay, waxaana dadkii banaanbaxayaasha ahaa ay socod dheer ku soo mareen suuqyada magaalada Jowhar.

Si kastaba ha ahaatee banaanbaxaan ay dhigeen dadka ku dhaqan magaalada Jowhar ayaa ku soo beegmaya xilli si caadi ah magaalada Muqdisho ay uga socdaan lacagaa duugga ah iyo kuwa jeexjeexan.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com