Banaanbaxyo looga soo horjeedo duqeyntii Dhuusamareeb iyo
Rag loo gacan galiyay Ethiopia ayaa ka kala dhacay Galgaduud
iyo Jubooyinka.
(Somalia, May 04,
2008 Ceegaag Online)
Dibax looga soo horjeedo
duqeyntii uu mareykanku ka geystay degmada Dhuusamareeb ee
xarunta gobolka Galgaduud ayaa maanta ka dhacay degmada
Guri-ceel oo ka tirsan gobolka Galgaduud.
Dad aad u fara badan oo ka careysan duqeyntaas ayaa isu soo
bax ay kaga horjeedaan duqeyntii loo geystay degmada
Dhuusamareeb waxa ay ku qabteen fagaare ku yaala degmada
Guriceel ee gobolka Galgaduud, waxaana dadkaasi isu soo
baxay ay ku dhawaaqayeen erayo ka dhan ah Dowladda
Mareykanka.
Dadka isu soo baxay ayaa waxaa la hadlay mas'uuliyiin kamid
ah kuwa gobolka iyo degmada Guriceel kuwaas oo fagaaraha ka
sheegay in ay aad uga xun yihiin duqeyntii loo geystay
magaalada Dhuusamareeb oo ay wax ku noqdeen dad u badnaa
rayid markii horeba ka soo cararay dagaalada iyo dhibta ka
jirta magaalada Muqdisho.
"In uu mareykanku duqeeyo dad markii horeba gaajo iyo haraad
u dhimanayey waxaan u aragnaa xasuuq ka dhan ah shacabka
Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku dhaqan gobolka Galgaduud,
waana cambareyneynaa duqeyntaas ay dadku ku dhinteen" ayuu
yiri mid kamid ah waxgarad ka qeyb galayey isu soo baxa.
Duqeyn habeenimadii khasmiita uu mareykanku ka geystay
magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa
waxaa ku dhintay Aadan Xaashi Faarax (Ceerow) oo ahaa
hogaanka sare ee dhaq-dhaqaaqa hubeysan ee Al-shabaab kaas oo
dhimashadiisa ay dad badan si weyn uga nexeen.
Dhinaca kale waxaa
banaanbaxyo looga soo horjeedo 7 nin oo ka tirsan Jabhada
ONLF oo ay maamulka Puntland ugacan galisay Dowladda
Ethiopia uu ka dhacay Degmooyinka Jubooyinka ee hoostaga
Gobolka Jubada Hoose.
Dad aad u fara badan oo
iskugu jiray Odayaasha, Aqoonyahanada iyo Waxgaradka
Jubooyinka ayaa aad u cambaareeyay Falkii loogu gacan
galiyay Dowladda Ethiopia Muwaadiniin Soomaali ah.
dibadbaxyaasha ayaa ku
dhawaaqayay hadalo ay kaga soo horjeedaan Dowladda
Mareykanka iyo Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |