shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Barlamaanka DFS ee Baydhabo Fadhigiisu yahay oo waraysanaya Raysalwasaare Nuur cade

(Baydhabo, May 01,  2008 Ceegaag Online)

Ra'isulwasaarahja dowladda federaalka Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo shalay socdaal ku tagay Baydhabo isaga iyo wasiiro ka tirsan dowladdiisa ayaa la filayaa in uu maanta hortago barlamaanka halkaas oo lagu wado in xubnaha barlamaanka ay su'aalo ku weydiiyaan.

Nuur Cadde ayaa wararka laga helayo magaalada Beydhabo ay sheegayaan in uu hadal ka jeedin doono xarunta barlamaanka islamarkaana uu xubnaha barlamaanka uga war bixin doono socdaaladii uu dhawaan ku maray wadamo dibadda ah iyo xaaladaha ka jira dalka Soomaaliya.

Xubnaha barlamaanka qaarkood ayaa sheegay inay tahay in xukuumadda Nuur Cadde ka horsheegto barlamaanka sababaha ay illaa iyo hadda wax uga qaban la'dahay amaanka dalka, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in su'aalaha ay barlamaanku weydiin doonaan Nuur Cadde ay kamid tahay falkii kal hore ciidamo ka tirsan dowladda ay bililiqo ugu geysteen suuqa Bakaaraha.

Waxaa sidoo kale ay xubnaha barlamaanku su'aalo weydiin doonaan wasiirka Gaashaandhigga iyo wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka kuwaas oo ay barlamaanku wax ka weydiin doonaan xaaladda dalka Soomaaliya maadaama ay yihiin wasaaradaha ku shaqo leh dhinaca amaanka.

Ra'isulwasaare Nuur Cadde oo lagu waday in uu maalintii shalay aheyd hortago xubnaha barlamaanka ayaa dib u dhac uu ku yimid, hase ahaatee maanta ayaa lagu wadaa in uu ka hadlo oo ay su'aalo weydiiyaan xubnaha barlamaanka Soomaaliya ee xaruntoodu tahay magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

 

  

webmaster@ceegaag.com