Booliska
Taraafikada oo lagu amrey in ay qaataan Hub si ay iskaga
difaacaan dilalka lala beegsanayo.
(Muqdisho, May 10,
2008 Ceegaag Online)
Taliska ciidanka
Booliska ayaa markii ugu horeysay ku amray ciidanka
taraafikada ee waddooyinka in ay qaataan hub si ay naftooda
uga difaacaan dilalka ka dhanka ah ciidamada dowladda ee ay
badanaa geystaan kooxaha ka horjeeda dowladda Soomaaliya.
Saraakiil ka tirsan
ciidanka booliska oo howlo kormeer ah ku tagay waddooyinka
iyo isgoyska Muqdisho qaarkood ayaa la sheegay in ay
ciidanka taraafikada ee waddooyinka ku amreen in ay soo
qaataan hub si ay naftooda uga difaacaan kooxaha ciidamada
dowladda dilalka u geysta.
Saraakiisha ciidanka ee
kormeerka sameeyey ayaa guud ahaan ciidanka taraafikada
waddooyinka waxa ay ku amreen in ay qaataan hubka, iyagoo ku
goodiyey in ciddii ka dhaga adeegta laga joojin doono
shaqada sida uu warbaahinta Muqdisho u sheegay mid kamid ah
ciidana taraafikada ee waddooyinka ka howlgala.
Lama oga sababaha keenay
in saraakiil ka tirsan ciidaamda booliska ay ku amraan
ciidanka taraafikada in ay qaataan hubka, iyadoo ay aad u
yar tahay dilalka lala beegsado ciidanka aan hubeysneyn ee
taraafikada kuwaas oo ka howlgala qaar kamid ah waddooyinka
magaalada Muqdisho.
Waa markii ugu horeysay
ee ciidanka taraafikada lagu amro in ay hub qaataan si ay
naftooda uga difaacaan dilalka ka dhanka ah ciidamada
dowladda oo ay geystaan kooxaha ka horjeeda.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |