shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Boqolaal Soomaali ah Oo UN-ka Isku Dhibeey Dalka South Africa (Daawo Sawiradda)
 

(Pretoria, May 27,  2008 Ceegaag Online)

Tan iyo Intii ey rabshadaha ka bilaabmeen Dalka South Afirca ayaa waxaa dhibaatooyin badan soo wajahdey Kumanaan Soomali ah Oo ku Dhaqnaa dalkan. iyadoo  gabi ahaanba  dadka Soomaaliyeed ay ka soo wada hayameen Tulooyinka ey ka ganacsan jireen  waxayna iskugu soo urureen Magaalooyin- ka Waa weyn ee Dalka S/Africa
.
Dadkan Soomalida ayaa ganacsiyo Kala Duwan ku lahaa Guud Ahaan dalka S/Africa, iyago ka ganacsan jirey Tulooyinka ku dhow-dhow Magalooyinka Waaweyn ee dalkan S/Africa Saldhiga U ah,
 
Hadaba Umadda Soomaliyeed ayaa Ha lmar La koowsatey Cabsi Xoogan Ka Dib Markii ey Bilaabmeen Midab-Takoor ka dhan ah Guud Ahaan Ajaanibta ku dhaqan Dalka S/Africa . Taas oo Galaafatey Naf Iyo Maalba, Waxaa La Barokiciyay Ajaaniibtii Ku Nooleed Dalkan. iyado qof kasta Oo Ajaanib ah Haddi La Aarko lagu gubayay Basiin Iyo Taraaq, Waxaa qal-qaal galay Guud ahaan dalka S/Africa . Waxaa is Tagaay Dalxiisayaashii Dalka Iman Jirtey Maalin Walba Waxaa is Tagaay Isku Socoodkii Gadiidki Uu Kala Gooshi jirey Goboladda Uu Ka Kooban yahay dalka S/Africa,
 
Dhanka kale waxaa socda dadaalo gargaar lagu gaarsiinayo kumanaan dad ah oo ku barokacay rabshadaha, waxaa la’isku dayayaa in la siiyo Hoy iyo waxay gabaad Ka Dhigtaan iyado lagu xanaaneynayo Dadkaas Magalaada Pretoria,
Sido kale kumanaan Soomali ah ayaa isku dhibeey Un-ka Magalada Pretoria iyado dhamaan lawada Qaabiley Soomalidi Qaxootiga isku diwaangalisey Loona Sheegay In Wax loo qabanayo , Qaxootigan Soomalidan ayaa Badidooda Cabasho Weyn uu gudbisey Un-ka Waxayna Cabashadooda Ku Dalbanayeen In Wadanka S/Africa Laga Qaado maadaama eysan xuquuq Fiican ku lahyn sharcina eysan ku haysan.

Si kastaba ha ahaatee Kumanaan Soomali ah ayaa la arkayay Shalay ilaa xalay iyagoo u socdalayaan Xarunta UN-ka ay ka dagantahay dalkan S/Africa Ee  magalaada  Pretoria iyado gabi ahaanba magalaada Johannesburg laga wada tagay sii looga qeyb galo Is-diwaangalista ka socota Magaalada Pretoria,  Waxaa Teendhooyin looga dhiseey duleedka Magaalada Pretoria Kumanaan Soomali iyo Ajaaniib  kale iskugu jirto

Hassan YeeY
Pretoria, South Africa
Email; yeey18@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com