shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ciidamada Dowladda Federaalka oo saaka xirtay Wadada Wadnaha kadib dagaal shalay ka dhacay halkaas.

(Muqdisho, May 10,  2008 Ceegaag Online)

Qeybo kamid ah wadada wadnaha ayaa waxaa saaka xirtay ciidamada Dowladda oo ay kaabayaan ciidamo Ethiopian ah kadib dagaal shalay ka dhacay isgoyska Florenza ee xaafadda Xararyaale oo fariisin u ah ciidamo ka tirsan dowladda federaalka.

Gaadiidkii isaga gooshi jiray isgoysyada Sanca illaa Howl-wadaag ayaa gebi ahaanba ah saakay mid aan shaqeynin, waxaana qeybo kamid ah wadada wadnaha saakay lagu arkayaa dadweyne fara badan oo lugeynaya kuwaas oo ay gaadiid la'aantu saameyn balaaran ku yeelatay.

Ciidamada dowladda ee ku sugan isgoyska Xararyaale ayaa guud ahaan xayiray dhaqdhaqaaqii gaadiidka dadweynaha, waxaana ciidamadaas oo ay wehliyaan ciidamo Ethiopian ah ay dhaqdhaqaaq ka wadaan isgoyska Xararyaale oo fariisin u ah.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in meydadka dad shalay ku dhintay dagaalkii ka dhacay Xararyaale ay weli yaalaan hareeraha isgoyska Florenza iyo xaafadda Xararyaale, waxaana meydadkaas aan si dhab ah loo ogeyn cidda ay yihiin.

Isgoyska Florenza ayaa shalay waxaa ka dhacay dagaal aad u qaraar oo galaaftay nolosha dad ka badan 10 qof halka ay ku dhaawacmeen inka badan 30 qof oo rayid ah, waxaana dadkaas dhaawacyadooda la dhigay isbitaalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee isgoyska Florenza ee xaafadda Xararyaale oo ay saldhig ku leeyihiin ciidamada dowladda ayaa xirma marka uu halkaas dagaal xooggan ku dhexmaro ciidamada dowladda iyo kooxaha ka horjeeda, waxaana saameynta ugu badan ay ku yeelataa gaadiidka dadweynaha iyo dadka shacabka ah ee isticmaala wadada wadnaha.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com