Ciidamada
Ethiopia ayaa howlgallo ka bilaabay gudaha Magaalada
Baledweyne.
(Baledweyne, May
12,
2008 Ceegaag Online)
Ciidamada
Ethiopia ayaa
howlgallo ka bilaabay gudaha magaalada Baledweyne, iyadoo
xalay gudaha magaaladaas ay soo galeen ciidamadii ugu badnaa
oo Ethiopian ah oo soo gala gudaha magaalada Baledweyne tan
iyo markii ciidamada
Ethiopia
ay gaareen gobolka Hiiraan.
Wararka laga helayo
magaalada Baledweyne ayaa sheegaya in ciidamo aad u fara
badan ay xalay oo dhan ku soo qulqulayeen gudaha magaalada
Baledweyne islamarkaana ay qeybo kamid ah magaalada ka
bilaabeen baaritaano aan la ogeyn illaa iyo iminka waxa ay
ku soo qabqabteen.
Sida warku sheegayaan
ciidamada
Ethiopia
ayaa waxa ay wataan gaadiid badan oo nooca dagaalka ah,
iyagoo ku sugan xarumaha dowladda ee magaaladaasi, waxayna
gaaf wareegayaan wadooyinka dhexmara magaalada Baledweyne,
iyagoo si aad ahna u feejigan, isla markaana diyaar u ah
iney jawaab culus ka bixiyaan haddiiba weerar lagu soo qado
ama qaraxyo lala beegsado.
Dadweynaha ku dhaqan
magaalada Baledweyne ayaa si aad ah uga walaacsan ciidamadan
Ethiopian-ka ah oo si aad ah uga fara badan kuwii horey
loogu arki jiray magaalada bartamaheeda, waxaana dadku ay
welwel ka qabaan khasaaraha ka dhalan kara haddii uu iska
horimaad ka dhaco gudaha magaalada Baledweyne.
Ciidamada
Ethiopia ayaa
dhawaanahaan waxa ay deganaayeen meelo ka baxsan magaalada
Baledweyne, hase ahaatee labadii maalmood ee ugu dambeeyey
ayey ciidamada
Ethiopia
bilaabeen in ay isku balaariyaan gudaha magaalada Baledweyne
ee xarunta gobolka Hiiraan.
Si
kastoy ahaato arrintaan ayaa ku soo beegmeysa xilli
ciidamada
Ethiopia
ay hub ka dhigis ku sameeyeen guddoomiyihii xilka laga
qaaday ee maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed kadib
markii ay kala wareegeen hubkii iyo ciidamadii ilaalada u
ahaa.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |