Ciidamada
Ethiopia ayaa saaka baaritaano ka bilaabay qeybo kamid ah
degmada Yaaqshid
(Muqdisho, May 05,
2008 Ceegaag Online)
Ciidamada
Ethiopia ayaa
saaka baaritaano ka bilaabay qeybo kamid ah degmada Yaaqshid
gaar ahaan xaafadaha Gubta iyo Towfiiq oo maalmihii ugu
dambeeyey ciidamada
Ethiopia
ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadeen.
Ciidamo Ethiopian ah oo
aad u fara badan ayaa saaka isku balaariyey deegaanadaas,
waxaana wararka laga helayo halkaas ay sheegayaan in guud
ahaan dadkii ku dhaqnaa xaafadahaas ay isaga carareen markii
ay ciidamada Ethiopia ku soo
faafeen degaanadooda waxaana dadkaas oo ka baqaya in
ciidamada Ethiopia ay
waxyeeleeyaan ay u baxsadeen deegaano kale.
Ilaa iyo hadda ma jiraan
cid ay ciidamada
Ethiopia
qabqabteen iyo wax iska horimaad ah oo lala galay, waxaase
xaalad kacsanaan ah ay ka jirtaa deegaanada ay isku
balaariyeen ciidamada
Ethiopia,
waxaana suuragal ah in uu halkaas ka qarxo iska horimaad u
dhexeeya ciidamada
Ethiopia
iyo kooxaha ka horjeeeda sida dhacda badanaa.
Deegaanka Towfiiq oo
kamid ah halka ay saaka isku balaariyeen ciidamada
Ethiopia ayaa
maalintii shalay waxaa ka dhacay qarax ay daba socotay
tacshiirad kaas oo ay ku dhinteen 3-kamid ah ciidamada
Ethiopa ee farisinka ku leh garoonka ciyaaraha.
Ciidamada
Ethiopia ee
xarumaha ciidan ku leh hareeraha wadada warshadaha ayaa ah
kuwa ugu badan ee sameeya dhaqdhaqaaqyada ciidan, waxaana
ciidamadaas ay si joogto ah ula kulmaan weeraro iyaga ka
dhan ah oo kaga yimaada kooxaha ka horjeeda.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |